Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Duqayntii Maraykanka Ee Al-Shabaab

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Duqayntii Maraykanka Ee Al-Shabaab

SHIYAABIYAA

Muqdisho, (Salaanmedia.com)- Ciidammaada Millateriga dawladda Maraykanka, ayaa sheegay in Isniintii toddobaadkan ay hawlgal Millateri oo dhinaca Cirka ah ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Koonfurta dalka Soomaaliya oo ay Saldhigyo ku leeyihiin Kooxda Al-Shabaab ee dawladda Federaalka Soomaaliya dagaalka hubaysan kula jirtaa, sida uu xaqijiy Rear Adm. John Kirby.

Wararka ayaa sheegaya inay diyaaradaha Millaateriga Maraykanku hawlgal duqaymo iyo sahamin ama basaasid ah ka sameeyeen Isniintii deegaanno ka tirsan Koonfurta dalka Soomaaliya, halkaasoo lagu soo warramayo inay Kooxda Al-Shabaab ku leedahay Saldhiyo muhiim ah, inkasta oo aan illaa hadda si rasmi ah loo caddayn khasaaraha duqaymahaas ka dhashay. “Waxa aannu hataan ku jirnaa sidii aannu u xaqiijin lahayn natiijada hawlgaalka aannu ka fulinney Koonfurta dalka Soomaaliya, ka dib baadhiista marka aannu dhammayno ayaannu Warbahinta uu soo bandhigi doonnaa wixii ka soo baxay hawlgalkaas.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Waaxda Gaashandhigga Ciidammada Maraykanka (Pentagon)-ka Rear Adm. John Kirby oo la hadlay CNN-ta.
Hawlgalkan Millateri ee Ciidanka Maraykanku ka sameeyey Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay, iyaga oo isla Isniinta shalay Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee dalalka Geeska Afrika iyo Saraakiil Ciidan oo la socday ay socdaal ku yimaaddeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, halkaasoo ay Taliyaha iyo Xubnaha la socday kulan kula qaateen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, isla markaana kormeeray Xarumaha kala duwan ee Ciidanku ku leeyahay XaruntaVilla Baydhabo iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, salaanna kaga wada-qaateen Ciidammada xoogga dalka oo uu hal-hal u salaamay Taliyaha Maraykanka ahi.

Inkasta oo aanay jirin warar dheeraad ah oo ka soo baxay Xarunta Millateriga dalka Maraykanka ee loo yaqaan Pantegon, ayaa haddana wararku waxa kale oo ay sheegayan in dawladda Maraykanku ay u aqoonsatay Ururka Al-Shabab Urur Argaggixiso ah, ka dib marki ay tageereen Ururka Al-Qaacida bishii saddexaad ee sannadkii 2008-dii.
Dhinaca kale, Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab ayaa shalay u sheegay wakaaladda wararka AP in duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ay xalay (habeen hore), ka geysteen Gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay lix saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsanaa.
Wuxuu sarkaalku intaas ku daray in la duqeeyay laba gaadhi oo uu la socday hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanno Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, balse Sarkaalka sare muu sheegin in lixda ku geeriyootay duqaymaha uu ku jiro Cabdi Godane iyo in kale.“Duqeyntii Mareykanka uu xalay ka geystay meel ku dhow Sablaale lix saraakiisha sare ee Al-shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay,” ayuu yidhi sarkaalkan oo ku sheegay magaciisa Abuu Muxamed. Isagoo intaaku daray in duqeynta lagu bartilmaameedsadaygaadhi oo ay wateen xubno uu ku jiray Axmed Godane oo ku sii jeeday Baraawe oo ah saldhigga ugu weyn ee ay Al-shabaab ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose. Mareykanku weli si cad uma sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta, iyadoo afhayeen u hadlayPentagon-ka uu sheegay inay weli baadhitaan ku hayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen in khasaaraha weerarkaasi dhaliyay.
Hase yeesheedowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda weli ka hadlin duqeyntii ay ka geysteen diyaaradaha Mareykanka deegaan ku dhow degmada Sablaale ee gobolka Shabeellada Hoose oo gaadiid al-shabaab leedahay lala beegsaday.