WASIIR KU-XIGEENKII HORE EE XUKUUMADDII MADAXWEYNE SHARIIF OO MAR QUDHA HARGAYSA LAGU DHEX ARKAY IYO XUKUUMADDA OO AAN WAX TALAABO AH KA QAADIN Hargaysa(Salaanmedia.com):-Waxa magaaladda Hargeysa ku sugan muddo bil iyo dheeraad ah Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee Dawladii Sheekh Shariif ee dalka Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) isla markaana ahaa Xildhibaan Baarlamaanka tirsan, iyadoo aanay jirin wax cafis ah oo uu soo weydiistay dawladda Somaliland. Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee Xukuumaddii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) oo ka soo jeeda beesha barriga Burco, ayaa ku sugan magaaladda Hargeysa, iyadoo dad ka ag-dhowina ay sheegeen inuu naawilayo in mansab looga magacaabo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Lama Garanayo sababta ninkan jariimadda ka galay dalkiisa hooyo tallaabo sharci ah looga qaadi waayay. Dunuubta uu ka galay wadankiisa ee uu xil siyaasiya ka qabtay dawladda Soomaaliya waxa ka sii daran inaanu illaa imika oo uu Hargeysa joogo wax cafis ah weydiisan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Taasina ay tahay mid ciidammadda ammaanku ay ku fashilmeen inay gacanta ku dhigaan ninkaas khaani’nul wadan ah. Iyadoo Siyaasiyiin badan oo u dhashay Somaliland hase yeeshee Xilal ka qabtay dawladda Soomaaliya Xukuumaddu xidhay, isla markii ay ka soo dageen Madaarka Hargeysa. Xukuumadda Somaliland kamay hadal inay wax cafisa u fidisay iyo in kale, balse waxa mark kaliyaata Hargaysa lagu dhex-arkay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Beeraha ee Xukuumaddii Madaxweyne Shariif.

WASIIR KU-XIGEENKII HORE EE XUKUUMADDII MADAXWEYNE SHARIIF OO MAR QUDHA HARGAYSA LAGU DHEX ARKAY IYO XUKUUMADDA OO AAN WAX TALAABO AH KA QAADIN

CALN SOMALI

Hargaysa(Salaanmedia.com):-Waxa magaaladda Hargeysa ku sugan muddo bil iyo dheeraad ah Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee Dawladii Sheekh Shariif ee dalka Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) isla markaana ahaa Xildhibaan Baarlamaanka tirsan, iyadoo aanay jirin wax cafis ah oo uu soo weydiistay dawladda Somaliland.
Wasiir Ku xigeenkii Beeraha ee Xukuumaddii hore ee Soomaaliya Maxamed Cali Bilaal (Ayax) oo ka soo jeeda beesha barriga Burco, ayaa ku sugan magaaladda Hargeysa, iyadoo dad ka ag-dhowina ay sheegeen inuu naawilayo in mansab looga magacaabo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Lama Garanayo sababta ninkan jariimadda ka galay dalkiisa hooyo tallaabo sharci

ah looga qaadi waayay. Dunuubta uu ka galay wadankiisa ee uu xil siyaasiya ka qabtay dawladda Soomaaliya waxa ka sii daran inaanu illaa imika oo uu Hargeysa joogo wax cafis ah weydiisan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Taasina ay tahay mid ciidammadda ammaanku ay ku fashilmeen inay gacanta ku dhigaan ninkaas khaani’nul wadan ah.
Iyadoo Siyaasiyiin badan oo u dhashay Somaliland hase yeeshee Xilal ka qabtay dawladda Soomaaliya Xukuumaddu xidhay, isla markii ay ka soo dageen Madaarka Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland kamay hadal inay wax cafisa u fidisay iyo in kale, balse waxa mark kaliyaata Hargaysa lagu dhex-arkay Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Beeraha ee Xukuumaddii Madaxweyne Shariif.