Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo Shaaciyey in aan Qaadhaan-bixiyeyaashu Weli Hayn Kharashka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo Shaaciyey in aan Qaadhaan-bixiyeyaashu Weli Hayn Kharashka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Cali-warancadde

Hargeysa (Salaanmedia.com)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa shaaciyey in aan qaadhaan-bixiyayaasha hawlaha dimuqraadiyadda ka taageera Somaliland weli haynin kharashka lagu fulin lahaa diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashada madaxtinimada ee u qorshaysan ba

dhtamaha sannadka 2015
Wasiir Warancadde waxa uu sheegay in aan ilaa hadda hay’adaha la shaqeeya Komishanka Doorashooyinku wax lacag ah oo lagu bixiyo diiwaangelinta ka soo helin qaadhaan-bixiyayaasha, isla markaana aan la garanayn waqti rasmi ah oo la helayo, sidaasi darteedna xukuumad ahaan ay go’aansadeen inay bilaabaan diiwaangelinta muwaadinka oo lagu bixinayo kaadhka dhalashada oo aan ka horimanayn ka codbixinta. “Kaadhadhka dhalashada iyo codaynta Somaliland maaha laba is
diidaya, laba kala fogna maaha, waxay ahayd diiwaangelintooda in sannad ka hor aannu bilowno, laakiin ilaa iminka beesha caalamka iyo Guddigeenna Doorashooyinka midna kama hayno qalabkii iyo habkii ay kaadhka codbixiyayaha ku diiwaangelin lahaayeen ay nala garab-socon lahaayeen, markaa haddii ay toodii habsaantay, annagu waxaannu go’aansanay in aanay taayada aannu masuulka ka nahay (diiwaangelinta madaniga ah) habsaamin, waayo haddii la waayo kaadhka dhalashada qofku doorasho geli karimaayo,” ayuu yidhi Md. Cali Warancadde oo hadal ka jeediyey kulan Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay wakiillada ururrada bulshada rayidka ah shalay, waxaannu intaasi raaciyey, “Waxa kale oo aynu u baahannahay diiwaangelinta codbixiyayaasha in aynu samayno, waxaannu dhaqaalihiisii ku xidhan yahay qaadhaan-bixiyayaasha wax ina siiya, waxaannu diyaar u nahay haddii ay lacagta hayaan in aannu garab fadhiisanno oo markaanu u caddayno in qofkaasi muwaadin Somaliland ah yahay iyaga (diiwaangelinta codbixinta) u gudbinno, waxaannu diyaar u nahay bisha December 2014 ayaanu dhammaynaynaa 80% kaadhka muwaadinka haddii ay lacag helaan oo bilaabaan diiwaangelinta codbixiyaha in ay na garab-fadhiistaan oo annaguna caawinno, waxaannu diyaar u nahay haddii ay lacagba waayaan in aannu qalabkayagan lacagta badan nagu jooga ugu tabarucno oo ay na ag-fadhiistaan oo markaannu dhammayno kaadhka muwaadinka iyaguna bilaabaan kaadhka codbixinta.”
Dhinaca kale, Wasiir Cali Warancadde waxa uu ka sheekeeyey xasuustiisa daruustii uu ka bartay kulliyadda Sirdoonka Midawgii Soofiyeetii ee la odhan jiray KGB-da, isagoo ku dooday in diidmada diiwaangelinta madaniga tahay qorshe uu soo abaabulay cadow dibadeed.
“Waxaan garanayaa markii aan ka qallinjabiyey kulliyadda KGB-da ee Ruushka duruusta aan xasuusto ee aan weli maskaxdayda ka bixin waxa ka mid ah ‘dadkaaga ha uga baqin inay dalkooda burburiyaan ama cadow inay u shaqeeyaan, laakiin waxaad ka baqdaa in si aan toos ahayn dadkaaga loo adeegsado inay iyagu is burburiyaan,’ oo macnaheedu yahay dhagar dad kale soo abaabulay in dadkeenna loo soo dhiibo kadibna dhib aanay ku talogalin dhexdooda ka dhacdo.”
“Markaa waxaan leeyahay waa in aynu iska ilaalinno arrintan (diidmada diiwaangelinta) cadow dibadeed ayaa wada waxa la diidayaa muwaadinimada Soomaaliyadii aynu ka go’nay mid ka duwan qaadanno, hadalkaasi dibadda ayuu nagaga yimi ee maaha mid Somaliland dhexdeeda ka dhashay,” ayuu yidhi Md. Cali Maxamed Warancadde.