WASIIRKA MADAXTOOYADA OO MAAYARADA DALKA QAARKOOD KU AMREY IN AANAY HORTAGIN GUDIDA DABAGALKA HANTIDA QARANKA EE GOLAHA WAKIILADA IYO MAAYARADA BURCO IYO LAASCAANOOD OO DIIDAY IN AY HORYIMAADAAN GUDIDAASI

WASIIRKA MADAXTOOYADA OO MAAYARADA DALKA QAARKOOD KU AMREY IN AANAY HORTAGIN GUDIDA DABAGALKA HANTIDA QARANKA EE GOLAHA WAKIILADA IYO MAAYARADA BURCO IYO LAASCAANOOD OO DIIDAY IN AY HORYIMAADAAN GUDIDAASI

xirsi

Hargeysa(Salaanmedia.com)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland,Xirsi Cali Xaaji Xasan,ayaa la sheegay in uu kulan gaar ah saaka kula qaatey Xarunta Madaxtooyada Somaliland,qaar kamid ah Maayarada dalka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Caasimada Hargeysa,oo ay kaga qeybgaleen falanqaha Mashruuca GPLG oo hay,adaha Un Hapitat kaga caawiyaan Somaliland, Mashruuca Hurumarinta Adeegyada Bulkshada Degmooyinka waxaana la sheegay in kulankan Wasiirku la qaatey Maayarada qaarkood uu daarnaa,ay in ay ku gacan seydhaan kulanka ay ku dalbadeen Gudida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka.
Sida ay hadhwanaagnews u xaqiijiyeen,ilo xogogaal ah oo ka agdhow Qasriga Madaxtooyada kulankan Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan la qaatey Maayarada dalka qaarkood sida Maayarka Degmada Burco Maxamed Muraad oo la sheegay in ay ka dhexeeyaan dano fara badan oo
Wasiirka kaga xidhan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,waxaanu Wasiir Xirsi u laqimay sida wararkaasi tibaaxeen in aanu aqbalin in uu hortago Gudida Ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland taas,oo uu diiday qoraal loo geeyay oo ay Gudidu kaga dalbaneyso, in uu ku horyimaado. Sida warka kulankani tibaaxay,waxa ay arintani dabada ku haysaa kadib markii ay dhawaan Gudidani su,aalo adag weydiiyeen qaar kamid ah Maayarada dalka islamarkaana, ku adkaadeen arimo badan oo wax laga weydiiyay,waxaanay wararkani tibaaxeen in Maayarka Degmada Laascaanood uu ka baaqdey in uu horyimaado Gudidani kadib markii loo gudbiyay qoraal yeedhmo ah. Ilaa iyo hada lama garanayo sababta dhabta ah ee uu Wasiirka Madaxtooyadu uga horjoogsanayo Maayarada dalka qaarkood in ay hortagaan Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada haseyeeshee,waxa la tuhunsan yahey in ay ka cabsi qabaan in Gudidu xogo ka urusaneyso Musuqmaasuqa ka jira Xukuumada Xiliga Xukuumadan oo aanay shacbiga qeybo kamid ahi ka warheynin. Gudida ilaalinta Iyo Daryeelka Hantida Qaranka ayaa maalmahanba waxay kulamo kala duwan la yeesheen qaar ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Madaxda ha,yadaha Madaxa Banaan ee Xukuumada