Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Fariin Digniin Ah u Diray Mudanayaasha Baarlamaanka

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Oo Fariin Digniin Ah u Diray Mudanayaasha Baarlamaanka

cabdi-awdaahir

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Wasiirka Wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw-daahir, ayaa fariin digniin ah u diray Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in xeerka hor yaala Golahooda uu yahay aas-aaska doorashada.
Sidaa wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku shaaciyey goobta uu ka is-ticmaalo mareegta bulshadu ku wada xidhiidho ee Face-buuga, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Diiwaan gelintu waa aas-aaska doorashada iyo muwadinimada. Waxaa inoo banaan oo kaliya in Baarlamaanku ansixiyo xeera diiwaan galinta, si aynu u gudano hawlaha qaran ee doorashadu ugu horeyso. Yaan la carqaladeyn diwaan galinta madaniga ah.”