Wax Mustaqbal Ah Oo Dawladan Maanta Iigu Jira Inaan Ka Mid Noqdo Majirto.Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir

Wax Mustaqbal Ah Oo Dawladan Maanta Iigu Jira Inaan Ka Mid Noqdo Majirto.Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir

Siilaanyo

Hargaysa(Salaanmedia.com)Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir oo ka mid ahaan Jiray Xisbiga Kulmiye Ayaa iska Fogeeyey inuu madaxwayne siilaanyo U Magacaabi dooni Wasiir,Waxaana uu cadeeyey inuu qaadan Dooni hadii loo magacaabo. Waxa uu sheegay in ay Caylada uu kasoo jeedo iyo Faamliga Madaxwayne Siilaanyo ay kala Kulmeen Sidii layskaga Saamix Lahaa Qordoofooyin Siyaasadeed oo soo kala dhex galay Isaga iyo siilaanyo,Dabadeena ku baahayn Faamliga Labada Qoys.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir oo hada Ka tirsan Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa Cadeeyey inuu Leeyahay Han siyaasadeed isla markaas marna aanu ka mid noqon doono Xukuumada Siilaanyo. “Aniga Dadkayaga iyo dadka uu kasoo jeedo Axmed
Maxamed Maxamuud Siilaanyo waanu heshiinay,lakiin waa heshiis Cayladeed,lakiin maaha heshiis siyaasi,Kamanaan wada hadalna Madaxwayne Siilaanyo,heshiiskaas aanu gaadhay anigu madaxwayne siilaanyo ismanaan arag lakiin si guud ayuu heshiis kaasi u dhacay.
Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir in ay wakhtiyo badan madaxwayne siilaanyo Saaxiib dhaw ahayeen,Balse Maanta ay iskaga Horyimaadeen xaga siyaasada waxaana uu yidhi”
“Wakhti Badan madaxwayne siilaanyo saaxiibo isku dhaw ayaanu ahayn,maantana waad ogtihiin halka aanu kala taagan nahay,waxaanad ka war haysaan in ay dhacday mashaqadii laygu sameeyey ee ahayd Shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye,Markaas saaxiibadii isku dhawaa waxaanu isku noqonay Lab Colaad fog isku qaada,markaas maanta taas ayaanu isku soo saamaxnay ee waxa kale kalamaan hadal.
Sida oo kale cabdiraxmaan Cabdi qaadir waxa uu sheegay inaanay marnaba isla soo qaadin waxa siyaasada ku salaysan,waxaana uu shacabka somaliland u iftiimiyay inaanu waligii ku biiray xisbiga kulmiye,kana mid noqon dooni waxaana uu yidhi”
“Anigu nin siyaasi Ayaan ahay,Damac siyaasibaan leeyahay,Waxaanan ku jiraa Madasha wada tashiga in axwaasha dalka ka socda Rayigayga ka dhiibto mooyaane inaanu ku biro xisbiga kulmiye Lagama Yaabana,Waxaanan Iska reebay in layidhaaho siilaanyo ayay colyihiin Markaan hadlaba.
Sidoo kale waxa uu carab dhabay cabdiraxmaan cabdi qaadir in ay jiraan dad badan oo ka shaqayn jiray Xumaanta iskaga iyo madaxwayne siilaanyo,kuwaas oo uu sheegay in hadalada u kala qaadi jireen waxaana uu yidhi”
“Waxa jira dad aniga war ii keena madaxwaynaha iyo cayladiisana war kasoo qaada kuwaas oo ka dhex shaqayn jiray isku dir kayaga,Nimankaas sidaas samayn jirayna Maanta ayay sheekadoodi soo dhamaatay,Colaado waa colaad Siyaasaduna waa siyaasada.
Cabdiraxmaan oo hadalkiis sii wata ayaa intaas ku daray”Anigu Dawlada Gali Maayo Kulmiye Noqon Maayo,Kursi anigu Madoonanin Iyan Imaysiin,Sheekadaasi Mataalo Ninkaas Siyaasiga ah ee Madaxa Banaan Ayaan ahay,Rayigayga waan cabiranayaa,Waxaan ahay Nin damac siyaasadeed leh oo doonaya halkan uu maanta taagan yahay inaan ka gudbo,Wax mustaq bal ah oo Dawladana Maanta iigu jira inaan ka mid noqdo Majiro,iyagun jago ay ila doonayaan Majirto.
Si kastaba Ha ahaatee Cabdiraxman Cabdi qaadir oo ka mid ahaan jiray Xisbiga Kulmiye ayaa iska Fogeeyey inuu Madaxwayne Siilaanyo U magacaabayo Wasiir,Waxaana uu ku tilmaamay Eraygaas Mid aan Meesha,Waxaana uu ku Adkaystay Hadii Madaxwayne Siilaanyo u Magacaabo Inuu Qaadan Dooni