Waxaan Uga Digayaa Madax-dhaqmeedka Iyo Kuwii Loo Gacan Haadin Jirey Inaanay Taageerin Diiwaan-gelinta Maamulka Siilaanyo” Muj: Ooto

Waxaan Uga Digayaa Madax-dhaqmeedka Iyo Kuwii Loo Gacan Haadin Jirey Inaanay Taageerin Diiwaan-gelinta Maamulka Siilaanyo” Muj: Ooto

Muj OTO

Hargaysa(Salaanmedia.com):-Mujaahid Maxamed Biixi Caalin ayaa Madax-dhaqmeedkiisa uga digay inay taageeraan Diiwaan-gelinta madaniga ah ee Maamulka Siilaanyo dabada ka riixayo, taasoo uu sheegay inaanay beesha uu ka soo jeedaa ka qayb-geli doonin diiwaan-gelinta madaniga ah.
Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Muj: Ooto), oo qoraal kooban soo gaadh-siiyey shabakada wararka ee hadhwanaagnews.com, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan uga digayaa Salaadiinta beesha arrab, Cuqaasha iyo intii loo gacan haadin jirey ee Maamulka Siilaanyo u yeedhi jirey waxaanu leenahay ka digtoonnaadda inaad taageertaan Diiwaan-gelinta uu Maamulka Siilaanyo wattaan, iyadoo ay cawaaqib-xumo kala kulmi doonto cidii taageerta ee loo gacan haadiyo. Diiwaan-gelintaas

Waxaanu u aragnaa mid aan laga fiirsan hirgelinteeda

isla markaana aan Caddaalada ku salaysnayn oo Maamulka Axmed-Siilaanyo uga dan leeyahay inuu qas iyo muran siyaasadeed dalka ka abuurro.” waxa ayaan-darro ah in Masuuliyiintii hawshaas loo diray ay deegaanadooda ka fuur yeelleen, waana wax caddaalada ka fog. waxaan beesha arrab u soo jeedinayaa horena aan ugu sheegay inaanay marnaba oggolaanin in deegaanadooda ay ka dhacdo diiwaan-gelinta madaniga ah iyo diiwaan gelinta cod bixiyaha labadaba.” Ayuu yidhi Biixi Maxamed Biixi