“Waxba Kama Jiraan, Ma Ninkaygan Wasiirka Arrimaha Gudaha Ah Ayaa Wax Afduubi Kara”

“Waxba Kama Jiraan, Ma Ninkaygan Wasiirka Arrimaha Gudaha Ah Ayaa Wax Afduubi Kara”

WARANKOW

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay in aanu wax shaqo ah ku lahayn fal afduub ah oo la sheegay in koox loo aanaynayo Wasiirka ay ku qafaasheen Nin Wariye ah, kaasoo ay haysteen muddo saacado ah, kadibna ay soo daayeen.
Warbixintan oo arrintaa ku saabsan ayaa u dhacday sidan:Waxa dhamaaday kulankii Wasiirka iyo Wakiiladda.
Waxa uu ka kacay kursigii uu ku fadhiyey, si uga baxo madasha shirka. Farxad badani kamay muuqan. Intii uu Golaha hor fadhiyey ee su’aalaha xeerka diwaan galinta iyo doodiisa, ay is dhaafsanayeen umuu muuqan nin degan, oo si xasilan uga jawabaaya wixii mudanayaasha kaga yimi. Inkastoo jiibiyayaal muxaafid xag jir ahi sacabka ugu hiilinayeen, mudanaha mucaaridka ah inuu wax weydiiyo isu taagana ay ka qasayeen, haddana waxa laga dareemayay cadho, markuu ka jawabayay su’aalo kooban oo laga weydiiyey xeerka isa sudhan ee diwaan galinta.
Wax badan oo gal-dalooladiisa iftiiminayey, waxa loo arkaa inuu sabab u yahay xeerka uu Golaha keenay oo maangad mooyee, maangalku ku yar yahay, marka loo sibirsaaro sida uu isugu qasan yahay.
Dabcan, su’aalo adag oo badan-ba lama waydiin, haddana, wuxuu u eekaa inuu dhibsanayay dhawr su’aalood oo dhinaca mudanayaasha mucaaridka kaga yimi.
Si-kastaba oo wax u dhaceen-ba, dhamaadkii fadhigaa kadib, Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde markii uu kacay ee uu u holaday inuu ka baxo madasha, ayaan hal-haleel u waydiiyey Su’aal nuxurkeedu ahaa “Waxa la sheegay in koox aad adigu soo ammartay ay afdubeen Nin Wariye ah oo ka shaqeeya Shabakada Oodweynenews, warkaasina uu ku qoran yahay warbaahinta, markaa ka waran falkaa.?”
Wasiir Waran-cadde wuxuu ku jawaabay kalmad kooban, waxaanu yidhi,”Waa been, waxba kama jiraan. Ma ninkaygan Wasiirka arrimaha gudaha ah ayaa wax afduubi-kara.”
Intaa markuu ku tiraabay, isagoo hadalkiiba dhamayn ayaa Xildhibaan Nac-nac Qaylo af labadii yeedhay. “Waar Odayga daaya. Caliyow, Caliyow waa maxay waxan ay ku hadlayaan, waa gunimo. WADDANI baa wax afduubee, ka daa Wariyow Su’aasha, wax-ba ha waydiine.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Nac-nac.
Hase yeeshee Xildhibaan Buubaa oo garabkiisa taagnaa, ayaa afka kaga booday Xildhibaan Nac-nac, isagoo kor u haya Joornaal uu ku qoran yahay warka afduubku, waxaanu ku yidhi. “Waar daa, ha waydiiyee xaq-buu u leeyahaye.”
Ficiladaasi waxay u sababeen in Wasiirka arrimaha guduhu uu hakiyo hadalkii oo uu baxo.
Dhinaca kale, falalka noocan oo kale ah, ayaa u muuqda dhaqan liita oo aan meel ku lahayn hidaha nololeed ummaddan. Isla markaana xaquuqda dadka saxaafada ka shaqeeya iyo kuwa xaquuqda aadamaha u dooda ayaa loo arkaa qaar ay xukuumadani ku tacadido.
Waxaana markii u horaysay taariikhda Somaliland albaabada loo xidhay Wargeysyo madaxbanaan.