Wejiga Cusub Ee Murankii Awood Kala Riixashada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Wejiga Cusub Ee Murankii Awood Kala Riixashada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

KILILKA

Jigjiga, (Salaanmedia.com)- Wararka laga helayo Jigjiga ayaa sheegaya in madaxweynaha DDSI, Cabdi Cumar, uu soo saaray wareegto xilka lagaga qaaday 7-masuul oo kamid ah gollaha wasiiradiisa, halka xubno kale oo cusub uu magaacabay.
Wareegtadan ayaa la sheegay in ay diideen xubnaha xilka laga qaaday iyaga oo ku tilmaamay mid aan xeerka DDSI waafaqsanayn.
Isbadalka siyaasadeed ee lagu dhawaaqay ayaa dhaliyey guux wayn oo ka jira caasimada iyada oo dadweynuhu la amakaagsan yihiin sida ay wax u socdaan iyo in la gudagalo qas siyaasadeed oo saameyn dhan walba ah ku yeesha nolol maalmeedkooda.
Waxaa xusid mudan, in Sabtidii dhawayd gollaha wasiiradu kulmeen iyada oo uu shirka daadihinayey madaxweynuhu. Kullankaas oo lagu soo jeediyey qodobo ay ku jiraan in la isku shaandheeyo wasiirada iyo tuulooyin in lagu wareejiyo Ismaamulka Canfarta ayaa ku soo dhaamaday guul-darro.
Warar aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin ayaa tibaaxaya in madaxii hantidhawrka ee DDSI oo la doonayay in uu fududeeyo hawsha kala wareejinta xafiisyada u sameeyay amar diido islamarkaana uu ka baxay Jigjiga, balse aan la xaqiijin karin dhanka uu u dhaqaaqay.
Dhanka kale, waxaa soo baxaya warbixino tilmaamaya in dad lagu tuhmay in ay qayb ka yihiin xurgufaha masuuliyiinta, laakiin aan ahayn siyaasiyiin xabsiga la dhigay.
Masuuliyiinta DDSI, oo u muuqda kuwo maarayn kari waayay xurguftooda siyaasdeed islamarkaana hadda ku sii siqaya in ay isu awood sheegtaan, ayaa soo dadajinaya qorsheyaal dawlada dhaxe ka lahayd Ismaamulka Soomaalida.
Siyaasi ku sugan Jigjjiga oo diiday in aan magaciisa baahino ayaa tilmaamay in dadku dareen isku dhaf ah ka qabaan dhacdada siyaasedeed ee maanta soo shaac baxday. Waxaa uu intaa ku daray, in dad badani u arkaan talaabadan aargosasho uu madaxweynuhu kula kacay wasiiro ka raacay xubnaha kale ee gudida fulinta, halka qaar kale ay talaabadan u arkaan isbadal caadi ah oo ka mid ah waajibaadka madaxweynaha.
Madaxweyne Cabdi ayaa wali la tacaalaya culayskii siyaasadeed ee ugu adkaa taariikhda madaxtinimadiisa. Ugu yaraan 2 jeer ayey masuuliyiin xukuumadiisa ka mid ahi si fagaare ah u diideen go’aano uu soo saaray.
Arrinta ugu xiiso badan ee wareegtada madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay magaacibista Cabdullahi Yuusuf(cabdullahi-Itoobiya) oo loo magaacabay madaxa ka hortaga aafooyinka. Masuulkan oo ah madaxweyne-ku-xigeen islamarkaana dad badan rumeysan yihiin in horseed ka yahay kacdoonka dhanka ka ah madaxweynaha ayaa la rajaynayey in uu madaxweyne Cabdi uu sii wadi doona dagaalka uu kula jiro.
Ugu dambayn, waxaa la sheegaya in xubnihii ka soo horjeeday madaxweynaha ay dhambaal u direen dawlada dhaxe iyaga oo ku wargaliyey in wixii hadda ka dambeeya ay talaabooyin qaadayaan.