Xabsiga Muqdisho Iyo Kala Iibsiga Maxaabiista Ku jirta Oo Noqday Nolol Maalmeedka Saraakiisha!!

Xabsiga Muqdisho Iyo Kala Iibsiga Maxaabiista Ku jirta Oo Noqday Nolol Maalmeedka Saraakiisha!!

XABSIGA MUQ

Muqdisho, (Salaanmedia.com)-Nin lagu magacaabo Maxamed Nuur Afweyne oo ka mid ahaa maxaabiis ku xidhnayd xabsiga dhexe ee dawlada Federaalka ee Xamar, ayaa xaqiijiyay in xabsiga uu ka socdo ganacsi lagu kala iibsanayo maxaabiista u xidhan danbiyada.
Wuxuu sheegay inuu xidhnaa muddo sanad ah, isla markaana lagu soo daayay lacag dhan $800 dollar-ka maraykanka ah.
Maxamed oo arrimaha ka sii hadlayaa wuxuu yidhi “Meesha xabsi kuma yaallo ee waxaa ku yaalla dukaan ganacsi oo lagu kala iibsanayo Maxaabiista, Aniga waxay igu wargeliyeen in aanay I sii dayn doonin haddii aanan bixin lacag dhan $1,000. Waxaan u sheegay in aanan haysan lacag, kadib waxa ay igu yidhaahdeen weligaa waad xidhnaan doontaa. Dadaal dheer kadib waxa ay iga qaateen 800 oo dollar”. Wuxuu hadalkiisaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Aniga iyo 17-ruux ayaa nalaga qaatay lacag la sheegay in nalagu sii dayn doono. waa nasiib daro in dadka layska soo xidho laguna sii daayo lacag, dadku maaha xoolo ee waa bani’aadam.”

Maxamed Nuur Afweyne waxa uu meesha ka saaray inay jirto caddaalad iyo xisaabtan, wuxuuna tilmaamay in muwaadinka ay ka wanaagsan tahay lacagtu.
Dhanka kale, wuxuu dawlada Federaalka Somalia ugu baaqay inay wax ka bedesho musuq maasuqa ay taliyayaashu ka wadan xabiyada dalka.