XILDHIBAAN KA TIRSAN AQALKA WAKIILADA OO XUKUUMADA SI ADAG UGU CANAANTAY QAABKA AY UGA HAWL GASHAY DILKII LOO GAYSTAY SARAAKIISHA CIIDANKA QARANKA IYO MUDAHARAADKII KA DHACAY GEBILAY.

XILDHIBAAN KA TIRSAN AQALKA WAKIILADA OO XUKUUMADA SI ADAG UGU CANAANTAY QAABKA AY UGA HAWL GASHAY DILKII LOO GAYSTAY SARAAKIISHA CIIDANKA QARANKA IYO MUDAHARAADKII KA DHACAY GEBILAY.

kkk

Hargeysa(Salaanmedia.com):- xildhibaano ka tirsan aqalka wakiilada somaliland ayaa xukuumada si adag ugu canaantay qaabka ay uga hawl gashay dilkii loo gaysatay saraakiishii ka tirsanaa ciidanka qaranka somaliland.
Xildhibaanada oo maanta shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa waxay sheegeen inay xukuumadu ka gaabisay inay wax ka qabato gacan ku dhiiglaha dilay saraakiishii ka tirsanaa ciidanka qaranka ee ku sugan jiida hore.
Ugu horayn xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inay xukuumadu ka gaabisay inay wax ka qabato gacan ku dhiiglihi dilay saraakiisha waxaanu yidhi “Qadarka lama diido laakiin xukuumadu waxay ka aamustay baadhis kasta oo ku saabsan arintii dilkaas keentay iyo sababta uu u fakaday gacan ku dhiiglihii gaystay falkaas dilka

ah iyo sifaha uu uga baxsaday ciidanka, arinkaasina waa mid xukuumadu ka aamustay tacsiyo ka yar yar oo ilaahay keenay ayuu madaxweynuhu ka tacsiyadaynayey dadka, mudaharaadka Gebilayna waxa keenay aamuska madaxweynaha iyo xukuumada guud ahaan ay ka aamustay dilka tiiraanyada leh ee ku yimid dhalinyarada saraakiisha ah ee indhaha u ahayd ciidanka ilaalinaya cadawga somaliland.”
Sidoo kale waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay afhayeenka madaxtooyada somaliland waxaanu yidhi “Arinta Afhayeenka madaxtooyada waa garanayaa oo waa inan yar oo aan adeer u ahay hoos ugu noqon maayo, malaa waxa u dhaantay waa xil aanu wali qaan gaadhkiisii aanu gaadhin hadii uu og yahay dhumucda ay arintaasi ku leedahay deegaanka uu ka soo jeedo xilka.”
Sidoo kale xildhibaan Bashiir Tukaale oo isaguna shirkan jaraa,id ka hadlay ayaa dhinaciisa xukuumada ku canaantay inay ka gaabisay aaskii loo sameeyey saraakiishan la dilay waxaanu yidhi “Dadka waxa gadoodka ku keenay waxa weeye ragii saraakiisha ahaa ee jiida hore joogay ee sida foosha xun ee qorshaysan ee mu’amarada ahayd loo dilay ayaa aaskii loo sameeyey waxa uu noqday si aan loo aasin tuuga, nimankani saraakiil ayey ahaayeen waxaanay ahayd in aas qaran loo sameeyo.”
Sidoo kale xildhibaan Siciide Cilmi Rooble oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa ka waramay dooda xeerka diwaan gelinta madaniga ah oo ka socota golaha wakiilada waxaanu sheegay inay diwaan gelinta xukuumadu ku doonaysomudo korodhsi waxaanu yidhi “Golayahayga dood ayaa ka socoto wax kalana maaha waxa weeyaan diwaan gelin muwaadiniinta lagu sheegayo oo tuurka lagu sito oo cidii la doonana la diwaan gelinayo cidii kalana layska dhaafayo, mana aha mid sugan, diwaan gelinta codbixiyayaasha waxa fadhiya muraaqibiinta xisbiyada qaranka,wasaarada arimaha gudaha ayaa joogta, askar ayaa joogta, diwaan gelinta madaniga ahna wasaarada arimaha gudaha oo kaliya ayaa wada Cali Waran Cade ayaana tuurta ku sita qaab loo diwaan gelinayaana ma jirto, nidaamka caynkaas ah ayaa doonaya inuu laba sanadood ama sadex sanadood korodhsado diidnay dhaha, Gebilay, Hargeysa,Ceerigaabo, Saaxil, Boorame, Burco intuba waa inay diidaan.”