Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Ka Hadlay Aas Aaska Ciidanka Gaarka U Ah Sahaminta Shiidaalka Ee Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Shaaciyey.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Ka Hadlay Aas Aaska Ciidanka Gaarka U Ah Sahaminta Shiidaalka Ee Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Shaaciyey.

qq

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa ka dayriyey samaynta ciidanka gaarka u ah ilaalinta sahaminta shiidaalka ee dhawaan madaxweynuhu shaaciyey. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay inaanay meelna sharciga kaga jirin in la sameeyo ciidan aan ahayn sadexda ciidan ee dastuurka qaranku jideeyey. Ugu horayn xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka hadlaya hab dhaqanka xukuumada ee sahaminta shiidaalka ayaa waxa uu yidhi “Waxa la yaab leh in dhacdaba dhacdada ka danbaysa uu maamulkuni ku sii talaabsanayo kuna dhiirinayo sifo aan waafaqsanay sharciga iyo shuruucda dalka, khayraadka dabiiciga ah waxa uu dastuurku jidaynayaa qaab loo maamulayo, sida uu dhigayo qodobka 53aad ee dastuurka qaranka sifo aan

waafaqsanayn waxa loo galay sahamintii shiidaalka iyo heshiisyo aan la soo marin golaha wakiilada, heshiis kasta oo caalami ah ha noqdo mid siyaasiya ama mid dhaqaale oo aan la soo marin golaha wakiiladu ma banaana in la dhaqan galiyo.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka loo samaynayo sahaminta shiidaalku uu dhib u keenayo somaliland waxanu yidhi “Xukuumadu waxay caadaysatay inay khayraadka dabiiciga ah sifo qaldan oo kootarabaan ah u maamusho, arinkaasina waa mid keenaya jaah wareer hor leh iyada oo lagu mashquulsan yahay arimihii doorashada, waxaana dusha lagaga keenay ciidankii ilaalida sahaminta shiidaalka kuwaas oo ay ka qaylinayeen Monitoring Group-ku kana digeen khatarta ay somaliland ku keenayaan.”
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu dhaliilay shirkad ay guddida qandaraasyada qaranka u soo xuleen tababarka ciidankaas waxaanu mar kale yidhi “Waxa la yaab leh guddida qandaraasyada qaranka oo tartan u qabtay shirkado tababara ciidankaas inay kala reebaan, somaliland waynu ognahay oo wali lama aqoonsan guddida qandaraasyaduna inay shirkado caalami ah oo meel dabada ku hayo maanta may aqbaleen, jimciyada quruumaha ka dhaxaysaana kamay qayliseen , aniguna waxaan qabaa inay yihiin maafiyo maaafiyo u gacan haadisay.”
Waxa kale oo xildhhibaan Maxamed Faarax Qabile ka digay halista ka dhalan karta ciidaankaasi waxaanu yidhi “Arinkaasi waxa uu cawaaqib xumo ku yeelan doonaa somaliland waayo dastuurkeenu waxa uu sheegayaa sadex ciidan oo kaliya, waana ciidanka qaranka, ciidanka Police-ka iyo ciidanka Asluubta, madaxweynuhuna xaq uma laha inuu ciidan kale sameeyo dastuurkuna ma sheegayo ciidan aan ahayn sadexdaas ciidan, iyada oo marka horeba khayraadka dabiiciga ah loo xalaashaday sifo aan waafaqsanay dastuurka iyo shuruucda dalka ayaa maanta waxa la keenay ciidan ajanabi hubaynayo.”
Ugu danbayntiin xildhibaan Qabile ayaa baaq u diray qaramada midoobay, bulshada caalamka iyo shacabka somaliland inay ka hor tagaan khatarka ka soo socota ciidankaasi waxaanu yidhi “Waxaan jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, Monitoring Group-ka iyo bulshada caalamka baaq dheer iyo mid gaaban labadaba ugu jeedinayaa in cawaaqib xumada geeska Afrika oo laga rabay xasilooni iyo nabad inuu ciidankaasi hor seedi doono jaah wareer aan laga soo kaban oo laga dareemo geeska Afrika, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa inay cadaadis ku saaraan xukuumadan xakama diidka ah ee sharciga diidan ee maanta bulshada somaliland ku jeedisay arin kufsi ku ah noloshooda iyo jiritaankoodaba, waxaanan qabaa haddii arinkaas dhagaha laga furaysto inuu wax u dhimi kara dastuurka qaranka iyo shuruucda u dajisan dalka.”