Xildhibaanadda Burco Oo Ku Farxay Soona Dhoweeyay Xayiraaddii Wasiir-Warancadde Ka Qaaday Mooshinnada Maayorrada iyo Madaxda D/Hoose Ee Burco Oo Wadnaha Farta Ku Haya..

Xildhibaanadda Burco Oo Ku Farxay Soona Dhoweeyay Xayiraaddii Wasiir-Warancadde Ka Qaaday Mooshinnada Maayorrada iyo Madaxda D/Hoose Ee Burco Oo Wadnaha Farta Ku Haya..

GOOD NEWS

Burco(Salaanmedia.com) Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aankii Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Warancade Dabarka kaga jaray mooshinada golayaasha deegaanku ku ridi-karaan Maayiradda iyo Ku xigeenadooda.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Degmadda Burco oo aragtidooda ku wajahan Go’aankan Wasiirka ,ka hadlay ayaa ku tilmaamay in uu yahay mid Bad-baado qaran ah isla markaana awood u siinaaya Mudanayaasha deegaanka in ay is bedel ku sameeyaan Maayiradda iyo Ku Xigeenada gaar’ahaan kuwa bahaloobay ee Musuqmaasuqu iyo Maamul xumadu ragaadisay .

“ Aad iyo Aad ayaanu usoo dhawaynaynaa Go’aankan Wasiirka arimaha guduhu kaga hor baydhay mooshinada xilka lagaga qaadi-karo Maayiradda iyo ku xigeenadooda oo hore Wasaaradiisu isu hortaagtay ,waayo ? awal hore markii la soo magacaabi jiray Maayiradda ayuu sharcigani caadi ahaa ,laakiin hada doorashooyin ayaa dhacay ,Xildhibaano ayaa la doortay ,xaq ayay u leeyihiin hugaankooda marka ay shaqadooda gudan waayaan in ay bedelaan ,sidaa awgeed marka la leeyahay Maayirka iyo ku xigeenadooda ayaa joogaya ,waxay la mid tahay xildhibaano kale ma jiraan , iyagaa meesha iska leh “ Sidaasi waxa yidhi Xildhibaan Cabdilaki oo ka mid ah Xildhibaanadda ugu miisaanka culus Golaha Deegaanka Burco.

Xildhibaan Kayse Cabdi Raage oo isna ka mid ah Mudanayaasha Deegaanka Burco ee Go’aankan soo dhaweeyay ayaa yidhi “ Si weyn ayaan usoo dhawaynayaa Go’aankan oo hore Wasaaradda arimaha guduhu ugu degdegtay ,waxaaney taasi noo suurto-galinaysaa in aanu la xisaabtano Gudiga fulinta Burco ,waxaanan odhan-karaa Go’aankani ,waa mid golayaasha deegaanka lagu bad-baadinaayo oo xildhibaanada u fududaynaaya in ay bedelaan Hugaankooda bulshadda u shaqayn-waaya “.

Sidoo kale Go’aankan ayaa waxa soo dhaweeyay Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco kuwaasi oo khaati bilaahi ka taaganaa Musuqmaasuqa ,Fadhiid-nimadda iyo Maamul xumada ragaadisay Hugaanka Golaha Deegaanka Burco isla markaana si weyn u doonaaya in isbedel lagu sameeyo.

Geesta kale Maayirka Dawladda Hoose ee Burco Aw- Muraad iyo Ku Xigeenkiisa Xoday oo dadweynaha reer Burco ku sifeeyaan Labadii Masuul ee ugu liitay ee taariikhda Burco soo mara ayaa Go’aanka Warancadde xayiraadda kaga qaaday xil ka xayuubinta Hoggaanadda Golayaasha deegaanka Sas Weyn Ka Qaaday isla markaana Wadnaha Farta ku haya .
Waxaaney Musuqmaasuqii iyo Boobkii ay ku hayeen Cashuurta Bulshadda laga qaado ,imika ku darsadeen Weerar Cir iyo Dhul ah oo ay ku iibinayaan Dhismayaashii Dawligahaa iyo Dhulkii Banaanaa ee Burco ku darsoo waxay dhawaan iibiyeen Garoonkii Kubadda Kolayga.

Mida kale Go’aankan ayaa waxa la filayaa in uu dib usoo alooso mooshinnadii hakadku ku yimi ee Xildhibaanadda isbedeldoonka ahi wadeen .