Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Go,aankii Ay Xisbiyada Mucaaridka Ahi Ku Qaadaceen Diwaan Gelinta Madaniga Ah Ee Xukuumadu Wadato.

Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Go,aankii Ay Xisbiyada Mucaaridka Ahi Ku Qaadaceen Diwaan Gelinta Madaniga Ah Ee Xukuumadu Wadato.

wabeye

Hargeysa(Salaanmedia.com):-xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay go,aanka ay xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland isku raaceen inay qaadacaan diwaan gelinta madaniga ah ee ay xukuumadu qorshaynayso inay dalka ka dhacdo.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Yuusuf Waabeeye oo maanta la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay ka xun yihiin go,aanka ay xisbiyada mucaaridka ahi ku qaadaceen diwaan gelinta madaniga ah.
Ugu horayn gudoomiye Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka hadlaya diwaan gelinta madaniga ah ee ay xukuumadu qorshaynayso inay dalka ka qabato ayaa waxa uu yidhi “Dalkenu waxa uu doonayaa inuu yeesho wax kasta oo dawladi leedahay ama qaran leeyahay waa inaynu yeelanaa , diwaan gelinta muwaadiniintuna waa mid

ka mid ah rukumada ay ku taagan yihiin qaramada dunida, sababtoo ah waxa la cadaynayaa muwaadinka, yaa codayn kara, yaa xaq u leh inuu qaato muwaadinimo uu ku codayn karo, sidaad ogtihiin xeerka diwaan gelinta muwaadiniintu waxa weeye muwaadiniinta dalkan joogta oo marka hore la tira koobo lana cadeeyo inta yihiin iyada oo la siinayo ID, marka ID-ga la siiyo ee la sugo muwaadinimadiisa lana sugo tirada xaqa u leh inay is diwaan geliyaan markaa tii noocaas ahayd ee muwaadiniinteena lagu sugayey ee ay cusbitaalka ku tagayeen, hudheeladana ku seexanayeen inay xisbiyada mucaaridka ahi ka hor yimaadaan waxaan u arkaa ayaan daro.”
Sidoo kale waxa uu sheegay in go,aanka ay xisbiyada mucaaridka ah ee somaliland isku raaceen inay ka hor yimaadaan diwaan gelinta madaniga ahi ay carqalad ku tahay doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo waxanu yidhi “Waxa kale oo aan u arkaa inay carqaladaynayaan hanaankii iyo habkii ay u socotay doorashadu, waayo marka ID la qaato waxa kale oo la qaadanayaa kaadhkii codbixinta qofka somaliland ah ayaana codaynaya, xisbiyada mucaaridka ahi ma waxay doonayaan inay u codeeyaan hindi ama yemeniyiin, dadka reer somaliland ayey cod ka doonayaan, inay markaas ID qofku qaato oo uu is cadeeyo inay ka hor yimadaan ma qurux badna,”
Dhinaca kale waxa uu gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye uu sheegay inay xisbiyada mucaaridka ahi yihiin qaar hor taagan inay dalka doorasho ka dhacdo waxaanu yidhi “Xisbiyada mucaaridka ahi waxay ka cabanayaan inay doorashadu dib u dhacayso iyaga ayaana rukuno ka mid ah wixii carqalada ku ahaa doorashada keenaya sida qaadacaadii diwaan gelinta iyo inay is hortaagaan xeerka diwaan gelinta, xisbiga Kulmiye waxa uu diyaar u yahay inuu soo dhigo doorashada marka ay dhamaadaan waxa ka horeeya ee diwaan gelinadu, xisbiyada mucaaridka ahna waxaanu leenahay ha hor istaagina hanaanka ay doorashadu u socoto kana hor qaada carqaladaha.”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Yuusuf Waabeeye.