Agaasimaha Cusbitaalka Wayn Iyo Wasiirka Caafimaadka Oo Jawaab Ka Bixiyay War Laga Baahiyay Cusbitaalka Guud

Agaasimaha Cusbitaalka Wayn Iyo Wasiirka Caafimaadka Oo Jawaab Ka Bixiyay War Laga Baahiyay Cusbitaalka Guud

Xaglo

Hargaysa(Salaanmedia.com)Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Axmed Cabdi Cumar iyo wasiirka Caafimaadka somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Jawaab kulul ka bixiya Warar ay ku tilmaameen been oo ay Qoreen qaar ka tirsan warbaahinta. Shirjaraa’id oo ay ku qabteen magaalada hargaysa ayaa waxa ay shegeen in ay sharciga la tiigsan doonaan Masuuliyiinta Wargayska Foore,waxaana uu ka waramay Sida uu dhakhtarka Wayn u shaqeeyo
Sidoo kale waxa uu Bayaamiyay Qaliinadii ugu danbeeyey ee ay fuliyeen ilaa sanadkii 2013kii ilaa 2014kii inta qof eek u dhimatay. Agaasimaha Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Axmed Cabdi Cumar oo ugu Horayn Shirkaasi jaraa’id ka hadlaya ayaa waxa
uu yidhi”
“Cusbitaalka guud ee hargaysa waa Cusbitaalkii qaranka,waa Cusbitaal ay dadku iska leeyihiin,Maqaalka Halkaas lagu qoray Waxa uu fadee-xadeeyey adeegii ay umadu dhigtay,kaas oon waxa Caday ah u hayn,Haay’ad Dhisan oo qaranku leeyahay hadii uu afkiisa ku Dumiyo waxa ay ila tahay mid aan loo dul qaadan Karin,Cusbitaalka guud adeeg-yada uu bixiyo waxa ay maanta iila muuqataa inuu Hirgalay Dhamaana buuxiyay Baahiyihii Bulshada.
Agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaalada hargaysa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray”Cusbitaalku Bishii waxa uu qaliin sameeyaa 200 qof,Bishii waxa yimaada Cusbitaalka oo la dhigaa Hoolka Bukaan socodka ilaa saddex kun oo qof,Waxa bishii cusbitaalka Dumarka uur kaleh lagu bad-baadiyaa 40 ilaa 50tan qof,Qaliinka Dag-dag ah Dhakhtarku bilaash ayaa uu ku bixiyaa.
Dhaca kale waxa uu ka jawaab Warar ay qoreen warbaahintu oo sheegaya in Qaliinada uu dhakhtarku Fuliyo ay Ku dhintaa Dad aad u badan,isla markaasna ay qaliinada fuliyaan dhakhaatiir ajihanib ah oo Tareerin lagu siiyo”
“Jaraa’idku waxa uu sheegay qaliinada lagu fuliyo Dkhatarka wayn in ay ku dhintaan Maalintii 4 qof am 3qof,arinkaasi waa been,waxaana laga doonayaan halka uu ka keenay Xogtaas,Waxaanu haynaa Shaxda Tilmaamaysa inta qof ee ku dhintay sanadkan 2013ka iyo 2014Ka Waxaanan leenahay isaga ayaa laga doonayaa halka uu ka keenay Qoraalkaas iyo warkaas beenta ah,Sanadkii Hore ee 2013ka waxa qaliin loo sameeyay(Kun iyo sideed Boqol)waxaana ku dhintay 4 qof,Sanadkan 2014ka waxa qaliin lagu sameeyey(Kun iyo lix Boqol)Waxaana ka dhintay 3 Qof.
Sidoo kale waxa uu sheegay agaasimahu inuu Sharciga la tiigsan doono,isla markaas Dacwada ku furan doono Maxkamada Magaalada hargaysa,waxaana uu sheegay in laga doonayo Halka uu warkaas ka keenay.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka somaliland saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo isna Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi”
“Waa dacaayada Been ah oo indha la’aan ah Waxa uu Jaraa’idkaasi Qoray,Waxaanan Saxaafada uga digaya Wararka ay qorayaan in ay iska hubsadaan,shacabkana ka dayaan Majara Habaabinta,Warkaasi waa been waxaanan leeyahay bulshada ka faa’idaysta Cusbitaalka adeegyadiina sidiibay u socdaan.
“Goobaha Caafimaadka ee aanu wada shaqayno ee aanu dadka uwada adeegno,waxaana leeyaha Kani waa cusbitaalkii qaranka,Waxaad samaynaysaan waxa laydinka doonayaa inaydaan Marka aad dadka lacagta ka dhamaystaan ee aad caafimaadkooda waxba ka qaban waydaan aad ku soo tuurtaan Cusbitaalka wayn taas waan idiinka digayaa,waxaana leeyahay shaqada inaga dhaxaysa sideed u daaya.