AKHRI- M/weyne Siilaanyo Oo Xilligii Uu Mucaaradka Ahaa Ku Tilmaamay Muddo Kordhintii Rayaale Kali-talisnimo Awood Loo Adeegsaday Oo Lagu Soo Af-Jaray Dimoqraadiyadii

AKHRI- M/weyne Siilaanyo Oo Xilligii Uu Mucaaradka Ahaa Ku Tilmaamay Muddo Kordhintii Rayaale Kali-talisnimo Awood Loo Adeegsaday Oo Lagu Soo Af-Jaray Dimoqraadiyadii

daahir siilaanyo

Hargeisa-(Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), xilligii uu ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa jawaabay mowqifka uu ka taagan yahay Muddo kordhintii Lixda Billod ahayd ee uu gollaha Guurtidu xilligaa u sameeyay Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aanu Gollahaasi xaq u lahayn in ay muddeeyaan wakhtiga doorashadu qabsoomayso. Axmed-Siilaanyo waxa uu talaabadaasi muddo-kordhinta ah ku tilmaamay mid lagu soo af-jarayo horu-socodkeedii iyo hanaankii dimuquraadiyadeed ee Somaliland, lana qaaday jidkii kali-talisnimada. Guddoomiye Axmed-Siilaanyo, oo xilligaa ay waraysi khaas ah la yeelatay Idaacada laanta Afka Somalilaga ee BBC-da mawqifkiisa ku wajahan muddo kordhintan , waxa
uu Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in ay awoodo badan u isticmaashay sidii ay Guurtidu muddo kordhin ugu samayn lahayd. Guddoomiyuhu isaga oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay aragtidiisa ku wajahan wakhtiga la kordhiyay, waxa uu yidhi, “Waxaan u arkaa go’aanka [ Muddo kordhinta Xilka Madaxtooyada ] mid ayaan darro ah, waxaanu ku yahay gabal dhac u dhacay geedi socodkii dimuqradiyada Somaliland ka hano-qaaday oo waxyeelo aan laga soo waaqsanaynin u geysanaya horumarkii iyo dimuqraadiyadii dalka kuna bilaabay jidkii keli talisnimada iyo xoriyad la’aanta u horseeday ayaan u arkaa aad iyo aadna waan uga xumay, waase go’aan dhacay”. “Waxa yaabka leh waxa weeyaan Golaha Guurtidu waxa uu u xil saaran yahay inuu kordhiyo ama aanu kordhin (Muddada Xilka), isaga oo sabab uga dhigaya wakhtiga ay doorashadu dhacayso inay dalka nabadgelyo darro ka jirto aanay doorasho ka qabsoomi Karin ah, dalka Somaliland waxa uu mar walba ku faanayey inuu haysto xoriyad, xasilooni iyo degenaasho uu haysto sababta qodobkaa loo cuskaday waa wax aan suuragalayn oo aan sharciyada iyo dastuurka aan ka jirin oo ka baxsan”. Ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Axmed Siilaanyo waxa uu ku eedeeyey Xukuummada Rayaale, inay awoodo badan u adeegsanaysay, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Komiishanka doorashooyinka ayaa ku shuqul leh inay wakhtiga qabteen, guddida doorshooyinku wakhti ayey soo qabteen (doorashada Madaxtooyada), wakhtigiina way ka gudbeen. Waxaana dhaba iyo biyo-kama dhibcaana inay dawladu awoodo badan u adeegsanaysay oo ay awoodo dhaqaale ay isticmaalaysay”! “Nabadgelyo darro aanay doorashadu ka dhacayn ma jirto, muddo kordhintaa [Guurtida] wax tallo ah oo laga weydiiyey axsaabtana ma jirto, waxaan aaminsanay in meel lagaga dhacay geedi socodkii dimuqraadiyada oo ay dhaawac weyn ku keenayso dadnimadii iyo horumarkii dalku ku talaabsanayey ama ay ummadeenu haweysanaysay”. Ayuu hadalkiisa siii raaciyay Guddoomiyaha KULMIYE oo uu yidhi. Sidoo Kale, mar la sii weydiiyey Axmed Siilaanyo awoodaha la isticmaalay ee uu sheegayo waxa ay yihiin, waxa uu yidhi, “Awoodaha la isticmaalay waa kuwa aad ka warqabtaan, waxa maanta la iska xidhay dhalinyaro badan oo saxafiyiin ah oo uu ka mid yahay Weriye Axmed Saleebaan [Dhuxul] iyo Liibaan Maaweel Shire waana markii ugu horeysay ee saxafiyiin sidaa ah la isaga Xidho maaha, taas waxaan u arkaa daan-daansi iyo nabadgelyada oo wax la yeelayo Cabudhin iyo xoriyatul qowlkii oo lagu tumanayo, waxaan u arkaa cadaadis gooni ah oo xisbiga KULMIYE sidii weligeedba ku dhici jirtay lagula kacayo taageerayaashiisa, waxaanan u aragnaa in cid walba dulmi lagu qaadayo haday yihiin suxufiyiinta, xoola-dhaqatadaba arrintaana aad iyo aad ayaanu uga xunay”