Cali Mareexaan waa boog madow oo ku taal Golaha Barlamaanka” :Afhayeenka Xusbiga Wadani ee Belguim

Cali Mareexaan waa boog madow oo ku taal Golaha Barlamaanka” :Afhayeenka Xusbiga Wadani ee Belguim

AFHAYENKA

(Salaanmedia.com)-Waxaynu inta badan warbaahinta ku aragnaa xildhibaan Cali Mareexaan oo si indho la’aan iyo aqoon daro wayni ka muuqato uga hadlaya arimo badan oo xaasaasi ah isaga oo taaga is leh dhaliil loosoo jeediyay xukuumada ka difaac, Xildhibaanka oo inta badan lagu xanto in lagu naas nuujiyo si sharciga ka baxsan oo eexi ku ladhantayna loo siiyo contractyo qayrul sharci ah ,kana mid ah xildhibaanada nusqaanta ku ah qaranka laguna khasaaray doorashadoodii ayaa hadana halka uu iska qarin lahaa maalin kasta cay iyo dhaleecayn kula dul kufa cidii nasteexa u ah qaranka ee tidhaa war sidaa wax halaga daayo . Xildhaabanku waxa uu caan ku noqday in maalin kasta loo soo dhiibo mashruuc lagu dabrayo hawl malmeedka Golaha qaranka Barlamaanka isaga oo xilkii ka saarna ee losoo doortay ka doorbiday inuu waxooga fara guudkood ah uu ku hor istaago hawlaha qaranka ay masuulka uga yahiin Golaha Barlamaanku kuna kala qaybiyo xildhibaanada dhameel madaxtooyada looga soo dhiibo, Cali mareexaan dowladnimada ma waxa uu u yaqaan musuqmaasaqa iyo ku tagri falka hantida iyo musuuliyada qaranka,?

Waxaan kusoo gabo gabayn lahaa maqaalkaygan kooban, Caliyow umada xalaasha ah ee Reer Somailand way kala og yahiin, ‘Nin gabay iyo nin galaday’ Xildhibaan Buubaana waxa uu caan ku noqday run sheega iyo inuu si xalaal ah ugu adeego bulshada reer Somaliland, waajibaadkiisana uu si haboon u guto.