Ceeb Iyo Fadeexad Aan Hore Burco Uga Dhicin Badhasaabka Gobalka Togdheer Oo Amar Ku Bixiyey Inaan Hudheelada Burco Qaarkood Lagu Qaban Karin Munaasibada Xuska Maalinta Shuhadada SNM Ee 17- October

Ceeb Iyo Fadeexad Aan Hore Burco Uga Dhicin Badhasaabka Gobalka Togdheer Oo Amar Ku Bixiyey Inaan Hudheelada Burco Qaarkood Lagu Qaban Karin Munaasibada Xuska Maalinta Shuhadada SNM Ee 17- October

Badhasabka

Burco (Salaanmedia.com)- Warqad Uu Ku Saxeexanyahay Badhasaabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Ayaa Soo Gaadhay Qaar Ka Mida Hudhelada Ganacsiga Ee Ka Furan Magaalada Burco
Warqadan Oo Badhasaabka Gobalka Togdheer Amar Ku Bixinayo Inaan Qaar Ka Mida Hudheelada Burco Laga Xusi Karin Maalinta Xuska Shuhadada SNM Oo Ku Beegan Maalinta Barto Ah

Badhasaabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Ayaa Hudheelada Qaar Warqad Uu Qoray Ku Xusay In Lagu Qaban Karo Xuska Maalinta Shuhadada SNM Halka Qaar Kalena Uu Amar Ku Bixiyey Inaan Lagu Xusi Karin Hudheeladooda

Maamulayaasha Iyo Mulkiilayasha Hudheelada Ayey Fajac Iyo Layaab Ku Noqotay Warqadan Uu Ku Saxeexanyahay Badhasaabka Gobalka Togdheer Ee Hudheelada Lagu Kala Takoorayo
Maalinta Shuhadada SNM Ayaa Ah Maalin Sanad Walba Laga Xuso Gudaha Iyo Dibada Dalka Somaliland Waana 30 Guuradii Ka Soo Wareegtay Xuska Maalintan Ay Shahiideen Halyeeyo Tiro Badan Oo Ilaa Maanta Xasuutoodu Duugoobin
Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Oo Iagu Ah Maxadwaynaha Haatan Talada Dalka Haya Wakhtigii SNM Tana Ka Mid Ahaa Gudoomiyayaashii Urukii SNM Ayaa Ayey Xukuumadiisii Noqotay Xukuumadii Koowaad Ee Diida Xuska Maalinta Shuhada SNM Oo Ah Maalin Ku Qaaliya Qof Kasta Oo Udhashay Wadankan

Gobalka Togdheer Maaha Gobalka Kaliya Ee Laga Hor Istaagay Xuska Maalinta Shuhadada SNM Balse Subaxnimadii Saaka Ayey Ahayd Markii La Joojiyey Xaflad Lagu Qaban Lahaa Huteel Hido Dhawr Oo Ay Leedahay Fanaanada Mujaahida Caanka Ah Ee Sahra Halgan Ee Ku Yaala Caasimada Somaliland Ee Hargaisa

Qaar Ka Mida Madaxda Xisbiyada Mucaaradkaa Iyo Mujaahidiinta SNM Ayaa Iyagu Sheegay InWasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Ay Iyadu Amrkan Bixisay Balse Majiro Jawaab Ka Soo Baxday Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ay Ku Cadaynayso Joojinta Xuska Maalinta Shuhadada SNM

Halkan Waxan Idiinku Soo Bandhigi Doonaan Warqadan Uu Ku Sexeexan Yahay Badhasaabka Gobalka Togdheer Ee Fajaca Iyo Layaabka Ku Noqotay Dadwynaha Gobalka Togdheer Ee Iyagu Heeganka Ugu Jiray Xuska Maalintan Shuhadada SNM