DAAWO SAWIRADDA:– Laba Milyan Oo Xujjaaj Ah Oo Maanta Taagan Banka Buurta Carafo Iyo Beri Oo Si Weyn Looga Ciidi Doono Caalamul Islaam

DAAWO SAWIRADDA:– Laba Milyan Oo Xujjaaj Ah Oo Maanta Taagan Banka Buurta Carafo Iyo Beri Oo Si Weyn Looga Ciidi Doono Caalamul Islaam

CARAFO 1

Mecca-(Salaanmedia.com)- Laba Milyan oo Xujaaj Muslimiin ah oo ka kala yimi dacalada dunida ayaa maanta oo Jimce ah taagan banka buurta Carafo, ee ku dhaw magaalada barakaysan ee Makka Al-Mukkarama, ee dalka Boqortooyadda Saudi Arabia

Mallaayiintan xujaajta ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa maanta si khushuuc leh u gudanaayay waajibaadka sannadlaha ah ee Xajka oo ka mid ah tiirarrka diinta Islaamka, iyaga oo taagan banka buurta Carafo, iyaga oo ku dhawaaqayay “Labayk, Allahuma, labayk,” — “Here I am, Allah, answering your call. Here I am.”. malaayiinta Muslimiinta ah ee gudanaya waajibaadka Xajjka ee sannadkan waxa ee kala yimi wadamadda caalamka oo dhan waxa ka mid Soomaali badan.

Dadka
Muslimiinta ah ee dhaqaale ahaan awoodi waayain ay soo gutaan waajibaadka Xajjka, ayaa maanta oo kale sooma, waxaana la filayaa in maalinta beri ah si weyn looga ciidi doono munnaasibada CIIDAL ADDXA, dhammaan caalamka Islaamka oo dhan hadii Allaha awooda sare lihi ogolaado.

CARAFO 1

CARAFO 2

Maamulka sare iyo dhammaan Wariyayaasha, iyo Hawl-wadeenadda Wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee HADHWANAAGNEWS, ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisuba, waxa ay halkan hambalyo iyo duco aan la soo koobi karayn ay uga gudbinayaan dhammaan Umaadda Islaamka, iyo dadka Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan