DAGAAL KALE OO CUSUB: MESSI IYO CRISTIANO RONALDO OO ISKAGA HOR-IMANAYA GAROONKA OLD TRAFFORD 18-KA NOVEMBER

DAGAAL KALE OO CUSUB: MESSI IYO CRISTIANO RONALDO OO ISKAGA HOR-IMANAYA GAROONKA OLD TRAFFORD 18-KA NOVEMBER

Mazi Cristina

Xulka qaranka kubadda cagta Argentina ayaa ka hor-iman doona Croatia iyo Portugal bisha soo socoto kulamo saaxiibtinimo iyada oo la filayo inay mar kale iska hor-yimaadaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo
Labada xiddig ee ka ciyaara horyaalka Spain ee La Liga ayaa toddobaadkan iskaga hor yimid kulanka El Clasico iyada oo kooxda Cristiano Ronaldo ee Real Madrid ay 3-1 kaga badisay kooxda Lionel Messi ee Barcelona ciyaar xiiso lahayd oo ka dhacday Sabtidii Santiago Bernabeu. Tababaraha xulka qaranka Argentina Tata Martino ayaa shalayto shaaciyay xulkiisa uu kala hortagayo xulka Portugal 18-ka bsiha November

Mazi Iyo Rolando

Argentina ayaa labo kulan oo saaxiibtinimo ciyaaraysa badhtamaha bisha November iyaga oo labada kulanba ku ciyaaraya dalka Britain. Kulanka hore oo dhacaya 12-ka November Argentina waxa ay magaaladda London kula ciyaari doontaa Croatia, lix maalmood ka dibna, 18-ka November waxa ay magaaladda Manchester ku wajihi doontaa xulka Portugal iyada oo Cristaino Ronaldo uu dib u booqan doono garoonkiisii hore ee Old Trafford
Xulka Argentina oo uu hogaaminayo Lionel Messi ayaa waxaa sidoo kale ku soo laabtay Carlos Tevez kaas oo xulka ka maqnaa muddo ka baddan saddex sanadood. Haddaba kulankan ay labada kabtan xul ay iskaga hor iman doonaan ayaa la odhan karaa waa dagaal cusub oo ay iskaga hor-iman doonaan

Cristiano