Dawladda Ethopia oo Beenisay in Dalkeeda ay soo Gaadheen Dad qaba Cudurka Abola.

Dawladda Ethopia oo Beenisay in Dalkeeda ay soo Gaadheen Dad qaba Cudurka Abola.

Ebola-virus-structure

(Salaanmedia.com)-Dawladda Ethopia oo Beenisay in Dalkeeda ay soo Gaadheen Dad qaba Cudurka Abola.
Xukuumadda Ethopia ayaa Caawa Waxa ay Beenisay warar Lagu Baahiyay Baraha ay Bulshadu ku kala War qaadato oo sheegayay, in Dad Xanuunka Abola Qaba oo ka yimi West Africa ay soo Gaadheen Caasimadda Dalka Ethopia ee Addis Ababa.
Sidoo kale waxa ay Beeniyeen in Cid Xanuunka Abola Qabtaa ay ku sugan yihiin Dhaktarka Tikur Anbessa iyo dhakhtaro kale oo Magaalada ah, Abel Yeshaneh Maamulaha Xarunta Caafimaadka Ethopia oo isagu Warbixin Siiyay Dire Tube caawa oo Axad ah , ayaa shaaca ka qaaday in cid Abola qabtaa aanay Ethopia ku sugnayn hadda.
Sidoo kale waxa uu Sheegay inay kasii digtoon yihiin Haddii arintaasi ay ku timaado,waxana uu
intaa ku daray in ay qalab baadhitaan oo casri ah, isla markaana awood u leh in sadex ilbidhiqsi ku baadhaya jidhka qofka kasoo dagaya Gegida Diyaaradda Bole Internationa Airport ay Dhigeen .
Ugu danbayntii waxa kale oo yidhi Mr Yeshaneh in aanay jirin Sabab ay u qariso Dawladu hadduu jiro Xanuunku, waxase aan hadda kuu sheegayaa in aanay jirin Wax Abola Ku saabsan oo ka jira Dalka Ethopia.
Somaliland.
Tan iyo markii ay soo baxeen warar ka sheegaya Xanuunka Abola oo Faro baas ku hayay wadamada Galbeedka Afrika in uu soo gaadhay Dalka Ethopia, waxa Cabsi weyni lasoo daristay bulshada Reer Somaliland oo Xad la leh Dalka Ehthopia, ilaa haddana Wax war ah kamay soo saarin Wasaaradda Caafimadka Somaliland.