Dhalinyarada Wada Qaban Qaabada Shirweynaha Dhalinyarada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Ku Dhaqan Magaalada Oodweyne

Dhalinyarada Wada Qaban Qaabada Shirweynaha Dhalinyarada Somaliland Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Ku Dhaqan Magaalada Oodweyne

DHALINYARO OOD

Burco(Salaanmedia.com) Dhalinyaradii muddooyinkii danbe waday qaban qaabada shirweynaha dhalinyarada Somaliland oo lagu qaban doono magaalada faca-weyn ee dagmada Cadaadley ee ka tirsan gobalka Maroodi-jeex ayaa maalintii shalay kulan la qaatay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Oodweyne ee gobalka Daad-madheedh.
Kulankan oo ay dhalinyarada ku wahalinayeen dhalinyaro kale oo ka socotay gobalada Awdal,Salal,Gabilay,Maroodi-Jeex,Saaxil iyo gobalka Togdheer oo hore u muujiyey taageerada ay u ahayaan dhalinyarada shirka qaban qaabinaysa ayaa ka dib kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen dhalinyarada ku dhaqan gudaha gobalka Daad-madheedh ee Magaalada Oodweyne,waxaa ay si faah faahsan ugu sharaxeen u jeedada shirka ay wadaan qaban qaabadiisa,waxaana ay iftiimiyeen in ay kaliya wadaan sidii ay dhalinyarta reer Somaliland ay uga midoobi lahayd arrimo badan oo xasaasi ah ku waasi oo dhalinyarada si xoog ah u saameeyey,sida oo kalena dhalinyaradu isaga wacyi galin lahayd qabyaalada oo muddooyinkii danbe noqotay mid aad u ba’an oo saamaysay dhamaanba bulshada reer Somaliland.
Md:Maxamed Jibriil Jama oo ka mid ah dhalinyarta wada qaban qaabada shirka loo qabanayo dhalinyarada reer Somaliland ayaa ka dib markii ay kula madaasi soo dhamaadeen waxaa uu waxaa uu warbaahinta u sheegay in ay dhalinyarta Gobalka Daad-madheedh ay isla qaateen sidii ay iyaguna ay dhankooda uga qayb qaadan lahaayeen abaabulka logu jiro jiro shirka dhalinyarada reer Somaliland.waxaana uu carabka ku adkeeyey in u jeedada shirku aanay marnba ahayn mid cid gaar ah wax lagu yeelayo ama lagu xumaynaayo.
Dhanka kale Md:Saleebaan Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ahaa dhalinyarta sida balaadhan magaalada Oodweyne ugu soo dhawaysay dhalinyartan wada qaban qaabada shirweynaha dhalinyarda reer Somaliland,isla mar ahaanta ka mid ah aqoon yahanka dhalinyarada ku dhaqan Gobalka Daad-madheedh magaalo madaxdiisa Oodweyne ayaa ugu horeyn sheegay in ka dhalinyaro ahaan ay si aada usoo dhawaynayaan shirweynaha dhalinyarada reer Somaliland ee ay qaban qaabadiisa ay wadaan dhalinyarada Bariga Magaalada Hargeysa,waxaana uu si qoto dheer uu uga hadlay baahida iyo muhiimada ay wakhti xaadirkan uu leeyahay in shir lo qabto dhalinyarada reer Somaliland,oo ay saamaybaa uu yidhi cadaalad darro,shaqo la’aan,iyo waliba sida oo kale qabyaalad aad u ba’an.
Md:Saleebaan Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu gaba gabadii uu intaasi ku soo afmeeray in ay dhalinyarada Gobalka Daad-madheedh ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii ay shirkaasi cudub miisaan leh oo halbawle u ah qaban qaabadiisa ay u noqon doonaan,sida oo kalena ay waxii hiil iyo hooba ay isla garab istaagi doonaan dhalin yarada wada qaban qaabada shiweynaha dhalinyarada reer Somaliland.