DIIWAAN GALINTU WAY SOCONAYSAA CIDNA LOO JOOJIN MAAYO DADKA LEH WAY XUMAATAYNA Cali Waran Cade

DIIWAAN GALINTU WAY SOCONAYSAA CIDNA LOO JOOJIN MAAYO DADKA LEH WAY XUMAATAYNA Cali Waran Cade

Cali-warancadde

Hargaysa (Salaanmedia.com) Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade Ayaa Dalaka Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Markii Uu Soo Dhamaystay Safar uu Ugu Baxay Dalka Debidiisa Waxa uu Jawaab Ka Bixiyay Warar Sheegaya Inay Fadhiisatay Qalabkii Diiwaan Galintii Madaniga Ah Waxaanu Arinkaasi Ku Tilmaamay Mid Been Abuura
Sidoo Kale Waxa uu Sheegay Inay Dhawaan Bilaabi Doonaan Tababarkii Ciidanka Ilaalin Doona Sherkadaha Baadhista Shiidaalka Isla Markaana Ciidanka Laga Soo Dhex Xuli Doono Ciidanka Qaranka Soomaali Land
Cali Waran Cade Waxa uu Sheegay Inay hir Gashay Diiwaan Galintii Madaniga Ahayd Cida Aan Qaadan Kaadhkaasina Aanay Dhex Mari Doonin Suuqyada Magaalooyinka Soomali Land Waxaanu Yidhi

yidhi”
“Waxa yaala qalab Hadii ay Xumadaan Qalabkan Diwaan Galintu Lagu Badalayo,Mana Filayo in ay Jiraan qalab Fadhiistay,Hadii ay Jiraan Maan maqal,Waxaanan U malaynayaa uun In ay tahay Dacaayada Meelahaas laga soo Dhoob Dhoobay,Way Hir Gashay waana Ay soconaysaa Dhamaana Bishan Aakhirkeedana Waa lasoo saari doonaa Magaalada hargasya Qofka aan Haysan Kaadhka dhalashada somaliland.
Cali waran cade wasiirka arimaha gudaha somaliland waxa uu intaasi raaciyay”Waanu Ku adkayn Doonaa Qof aan haysan kaadhka dhalashada somaliland inaanu xawaalada somaliland lacag ka qaadan,Qofkii aan haysan Kaadhka dhalashada gaadhi ma wadi Karo waana laga qaadayaa,Gadh wayn oo aanu samaynayna waanu dhigi doonaa,Markaas Qofkasta waxaan leeyahay intaanu Wiigani kaa dhicin qaata kaadhka dhalashad somaliland.
Dhinaca kale wax auu digniin U diray Wasiirka arimaha gudaha somaliland Qofka qaata Kaadhka dhalashada somaliland laba jeer in Talaabo laga qaadi Doono Kaas oo xabsigana la dhigo Doono waxaana uu yidhi”
“Qofka isku Daya inuu qaato kaadhka dhalashada somaliland Dhawr Jeer Waxa soo saaraya marka lagu baadho Xog Uruuriyaha Kombiyuutarka,Waxaana laga qaadi Doonaa Talaabo sharaciga waafaqsan waxaana la hor gayn Doonaa Sharciga,Waxaana loo sameeyey Meel lagu xidho,Markaas Qofkii Galay hal Mar ayuunbaa kaadhka lasiin Doonaa,Dhakhsana waa Loo siin Doonaa Shacabka Hargaysa.
Sidoo kale waxa uu cali waran cade wasiirka Arimaha Gudaha somaliland ka waramay Safara uu ku Tagay Dalka Dibadiisa kaas oo Uu In Mudo ah Ugu Maqnaa”
“Somaliland Waxa Ay dhawaan ku biiri Doontaa dalalka Leh Shidaalka,Waxa aynu ka guulaysanay Cadawgii somaliland ee Muqdisho ee doonayay inaan somalilan shidaal loo soo saarin,Waxa Maalin Dhaw La Tababari Doonaa Ciidanka Loo Yaqaan OPU Oo u gaar ah ilaalinta Shidaalka somaliland,Waxaan leeyahay Rag aan garan waayay waxa ay yihiin Hadalka ay leeyihiin Dhag loo Dhigi Maayo Ayaan odhan lahaa,Waxa Xukuumadana la gudboon,In ay Shacabkeeda somaliland U Soo Saarto Khayraadka Dabiiciga ah.