Diiwaan Gelintii Madaniga ahayd ee Ka Socotay Degmada Gacan Libaax Oo Isu Taagtay Ka Dib Markii Shirkada Laydhka Siin Jirtay Lacago Ay Ku Lahayd U Goosatay

Diiwaan Gelintii Madaniga ahayd ee Ka Socotay Degmada Gacan Libaax Oo Isu Taagtay Ka Dib Markii Shirkada Laydhka Siin Jirtay Lacago Ay Ku Lahayd U Goosatay

Diiwan Laydh

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Diiwaan gelinta Madaniga ah ee Ka socotay Degmada Gacan Libaax Ayaa gabi ahaanba saaka istaagtay ka dib markii shirkada Laydhka Siisa ee Degmadaasi ee Batuun ay ka jartay
Goob-joogeyaal ku sugnaa Xarunta Degmada Gacan Libaax ee Magaaladda Hargeysa ayaa u sheegay Hadhwanaagnews in Wakhti lagu guddo jiray diiwaan gelinta Dadka Madaniga ah la gooyay Laydhkii ay ku shaqaynayeen. Dhinaca kale Guddoomiyaha Degmada Gacan Libaax ayaa Md. Subeer ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Shirkada Laydhka ee Batuun, kaas oo ku dacwoonaya in uu lacago ku leeyahay Degmada Gacan libaax, si uu lacagtiisii u helana uu ugu dhaqaaqay talaabadan uu ku goostay laydhkiisii
Lama oga halka uu xaal ku dambeeyay, hasayeeshee dadkii u darbanaa in ay saaka iska diiwaan geliyaan Xarunta Degmada Gacan Libaax ayaa ka dareeray iyaga oo u jihaystay dhinaca Dugsiga Sare ee Gacan Libaax oo ay ka socoto hawl la mid ah tan ay uga tageen Xarunta Degmada Gacan Libaax. Diiwaan Gelinta Madaniga ah ayaa ka socota shanta Degmo ee Caasimadu ay ka kooban tahay, taas oo ay hore u ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland, balse ay hakiyeen Guurtidu