Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Dollarka Oo Kor U Kacay Iyo Xeerk Bangiyada Somaliland Halka Uu Marayo.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Dollarka Oo Kor U Kacay Iyo Xeerk Bangiyada Somaliland Halka Uu Marayo.

Banka

Hargeysa, {Salaanmedia.coml}- Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo maanta Qaar ka tirsan Warbaahinta Kula Hadlayay Xafiiskiisa ayaa waxa uu ka hadlay Lacagta Qalaad ee Dollarka oo Kor U Kacay.
Waxa uu sheegay in ay Hoos usoo celin Doonaan Maal-Maha Soo Socda,Waxaana Beeniyay Warar Ay warbaahintu Qortay oo sheegaya In Lacagta Cusub ee somaliland Keentay Sixir Bararka.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay waxa keena Sixir Bararka iyo Inuu Dollarku kor Ukaco,Kaas oo Sheegay in Marka ay Lacagta Somaliland Suuqa ku badato inuu Dollarku Kor U kaco.Waxa uu sidoo kale Iftiimiyay Halka uu Marayo Xeerkii Bangiyada somaliland,Kaasoo cadeeyey inuu Ku rajo wayn yahay inuu golaha wakiiladu Ansixiyaan.
Sidaasna waxa uu Guddoomiyaha Baanka somaliland Cabdi Dirir Cabdi ku sheegay Shir Jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada hargaysa waxaana uu yidhi”“Dollarku Xogaa Wuu Yara Kacay,Lakiin Kacniin kaasi waa mid iska caadi ah oo suuqii waxa soo Galay Mushaharkii,Waxa aynu ku jirnaana Bil Socota Horaanteed,Mushaharka marka la qaatana Lacagta somaliland ayaa suuqa gasha,Waxaana ay keentaa Markaas inuu Doolarku Kor u kaco.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee somaliland Cabdi Dirir Cabdi inuu Hoos usoo noqon Doono Ilaa iyo maalinta Sabtida,Marka ay suuqa ka baxdo Lacagaha Somaliland”“Waxaan Rajaynayaa in Maalinta Sabtida uu dollarku Hoos usoo dhaco,Waxaanu ka Baan ahaan Arinta u aragnaa Arin iska caadiya oon nagalin war war iyo baqdin Toona,Waanad Arki Doontaan Wakhti aan fogayn Dollarka oo Hoos usoo dhaca.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Xeerkii Baananka somaliland Oo Horyaal Golaha wakiilada somaliland Halka uu ku danbeeyey“Hortu Xeerer waa la Baas Gareeyey,Xeerkuna waxa uu sheegayaa Sidii Baananka Ree Galbeedku Ug Furan Lahayeen Wadanka somaliland,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo kasoo Hor Jeedaa Xeerka Way Jiraan,Lakiin waxaan leeyahay Xeerkan waxa uu Anfacayaa Sidii Reer Galbeedku Baanan Uga furan lahayeen Somaliland waana Arin Muhiim ah.

waxa uu intaasi ku daray Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee somaliland isaga oo hadalkiisa sii wata”Waxaanu Rajo ka qabnaa inuu Baarlamaanku arinkaas Ansixiyo,Waa arin Baahi wayn Shacabka somaliland u qabaan,Waxaanan Leeyahay Sida ugu dhakhsaha badan u ansixiya Si ay Reer Galbeedku Baanan Caalami ah Dalka Uga furan.
Sidoo kale waxa uu Bulshada u Iftiimiyay War ay Qoreen Warbaahintu oo sheegaya inuu sixir Barar Keenayo Shanta kun iyo Kunka Shilin ee lasoo daabacay waxaana uu arinkaas ku tilmaamay Mid Been Abuur ah waxaana uu yidhi”

“Warbaahinta Qaar ayaa Qoray in Lacagtii Maalinta dhawayd Soo Baxday ee Shanta kun iyo Kun Shilin in ay sixir Barar ku keentay Lacagtii somaliland iyo Ganacsigii,Waxaan leeyahay Arinkaas waxba Kama jiraan,Qolada waxaas Qortayna Aqoon ayaanay u lahayd Waxa keena Sixir Bararka.