GUDDOOMIYE CIRRO OO SHEEGAY INAY MADAXTOOYADA KA SUGAYAAN INAY SOO GUDBISO SHURUUDO XEERKU JIDEEYEY OO LAGA DOONAYO XUBNAHA CUSUB EE GUDDIDA DOORASHOOYINKA

GUDDOOMIYE CIRRO OO SHEEGAY INAY MADAXTOOYADA KA SUGAYAAN INAY SOO GUDBISO SHURUUDO XEERKU JIDEEYEY OO LAGA DOONAYO XUBNAHA CUSUB EE GUDDIDA DOORASHOOYINKA

bb

Hargeysa(salaanmedia.com):-Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inaanay madaxtooyada somaliland golaha wakiilada u soo gudbin qaybo ka mid ah qodobada loo eegaayo xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka qaranka ee xeerku jideeyey.
Gudoomiyaah golaha wakiilada somaliland oo ka hadlay xubnahan cusub ee loo magacaabay guddida doorashooyinka qaranka ayaa waxa uu sheegay inay wali madaxtooyada ka sugayaan qaybo ka mid ah shuruudaha uu golaha wakiiladu u eegayo.
Gudoomiye cirro oo ugu horayn ka hadlaya qodobada xubnahan ka maqan ee ay wali sugayaan ayaa waxa uu yidhi “Wali waxaanu madaxtooyada somaliland ka sugaynaa waraaqihii looga baahnaa guddida cusub ee doorashooyinka qaranka oo ay ka mid yihiin waraaqaha uu waajibiyey xeerku sida CV-yada,waraaqda danbi
la,aanta iyo waraaqda caafimaadka, waxa kale oo jira in xubnaha qaarkood maqan yihiin gaar ahaan xubnihii uu magacaabay madaxweynaha somaliland.”ayuu gudoomiye ciro u sheegay Kalsan Tv Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in marka loo soo dhamaystiro qodobadaas ay mudanayaasha golaha wakiiladu ka gudan doonaan waajibaadkooda waxaanu yidhi “Marka ay soo wada gaadhaan CV-yada xubnahaas iyo waraaqaha looga baahan yahay ee ay soo gudbiso madaxtooyadu, golaha wakiiladuna waxa uu diyaar u yahay inuu waajibkiisa ka guto.” Ayuu yidhi gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland ah