Guddoomiye Cirro Oo Si Adag Uga Hadlay Talaabada Qaabkii Uu Madaxweyne Siilaanyo Xisbiga Wadani Ugu Soo Celiyay Xubintii Gudida Doorashooyinka ay u soo Xuleen

Guddoomiye Cirro Oo Si Adag Uga Hadlay Talaabada Qaabkii Uu Madaxweyne Siilaanyo Xisbiga Wadani Ugu Soo Celiyay Xubintii Gudida Doorashooyinka ay u soo Xuleen

ciro_

Hargaysa(Salaanmedia.com)Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirr) ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada hargaysa waxa uu si adag uga hadlay Madaxwaynaha somaliland oo Marlabaad kusoo celiyay Xubintii Xisbiga Wadani uga mid noqon Lahayd Kumiishanka doorashooyinka somaliland.
waxa uu sheegay Guddoomiye ciro in Qodobka Madaxwayne Siilaanyo u adeegsaday Xubinta Xisbiga Waddani ay tahay Sharci daro,Waxaana uu sheegay inaanu Madaxwayne Siilaanyo Warqada uu xisbiga waddani usoo gudbiyay ku soo lifaaqin Sababaha uu usoo celiyay.
Sidoo kale waxa uu Madaxwayne Siilaanyo usoo jeediyay inuu shacabka Cadaalada ku dhaqano iyo Inaanu kala jeclaysan Xubnaha kumiishanka doorashooyinka somaliland,Qodobka uu Hore Xubin ugu isticmaalayna
Marlabaad kusoo qorin xubin Kale waxaana uu yidhi”
“Madaxwaynaha somaliland waxa uu nagu war galiyay inaanu 7cisho Gudahood kusoo magacawno Laba Xubnood oo Madaxtooyada somaliland Kala Doorato,Xeerkana waxa si cad ugu qayaxan inuu Xisbi Kasta oo Mucaarad ahi Soo magacaabo Xubin Kaliya,Golaha Guurtidana Madaxwaynaha somaliland waxa uu Iyana Faray in ay soo magacaabaan 4 Xubnood,Markaas Madaxwayne Waxaan ku leeyahay Ma Xeerka Ayaa sax ah Mise Wareeg tadaada ayaa sax ah waa Jawaab kuu taal inaad Bulshada somaliland u faah-faahiso.
Guddoomiyah Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani waxa uu sheegay inuu Soo magacaabay Xubintii Uu Xaqa u lahaa Xisbiga Waddani in ay uga mid noqoto Kumiishanka doorashooyinka somaliland,isla markaas Xubintaas ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa oo dhan waxaana uu yidhi”
“Xisbiga waddani Markii uu magacaabay Dr Maxamed Cismaan Fadal Kamuu mid ahayd Xisbiga waddani,Dhamaana wuu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa,Markaas Su’aasha Meesha talaa waxa ay tahay 24 ilaa 28kii Waraaqda uu madaxwayne Siilaanyo u Cuskaday Halkay Taalaa,Taas Madaxwaynaha ayaa laga rabaa.
waxa uu sheegay Guddoomiye ciro inaanu sifo sharci ah u arag Sida komiishanka Doorashooyinka loogu dari waayay Dr Maxamed Cismaan Fadal”
“Madaxwaynaha waxaanu mar labaad ku celinay Markii uu Noo Cadayn waayay sababta uu usoo celiyay Dr Maxamed Cismaan Fadal, Waana uu naga qabtay,Hadana Marlabaad ayaa uu nagu soo celiyay,Warqada uu kusoo celiyayna waxa uu keenay Xarunta Baarlamaanka somaliland oo aanay Cidi Joogin,Taas oo aanu Waxa Cudur Daar ah kusoo Qori Waraaqda uu kusoo celiyayna.
Waxa uu intaasi raaciyay Guddoomiye Ciro“waxase uu layaabku yahay Nidaamkasta oo maamul kastana Khilaafsan Warqada ku socota Xisbiga wadani oo qudha in laga arkay oo kaliya shabakadaha waawayn iyada oon xisbiga wadani soo gaadhin oo waliba dhuxulna kusoo saaray warsaxaafadeed iyada oo la moodayo in masuul xilka laga qaaday.
Dhinaca kale waxa uu Fariin U diray Madaxwaynaha somaliland iyo Madaxtooyadaba waxaana uu ku booriyay in ay cadaalada ku hagto Shacabka somaliland waxaana uu yidhi’
“Madaxtooyada somaliland waxa laga filayaa inuu shacabka si cadaalada ah ugu xaqsoorto,Qodobka aad xubinta u adeegsatayna inaad xubnaha kale u adeegsato Ama si gaar ah Xubin aad u tagoorto waa laga qurux badan yahay,waxa loo baahan yahay in Xubinta la diidayo in sifo sharci ah loo diido,Xisbiga wadani waxa uu dhamaan soo dhawaynayaa Dhamaan Xubnaha Kumiishanka doorashooyinka loo doortay,waxaana uu usoo jeedinaynaa in ay cadaalada ku dhaqaan shacabka iyo xisbiyada Mucaaradka ayaa la doonayaa.
Si kastaba aha ahaatee Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Markii 2aad Xisbiga wadani kusoo celiyay Xubintii uga mid noqon lahayd Kumiishanka doorashooyinka somaliland waxaana uu guddoomiye Ciro Sheegay in Sifo aan cadaalada ahayn loo diiday,Balse muu caday ilaa iyo hada Cid Uu ku badali doono Xubinta uu diiday Madaxwayne Siilaanyo iyo in uu ku celin doono Mar saddexaad Dr Cabdilaahi Fadal.

Salaanmedia/Hargaysa