Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Ee USA Oo Iftiimisay Dhaqaalaha Ku Baxay Is Dabayaaca Xukumadda Ee Shirarka Dibada

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Ee USA Oo Iftiimisay Dhaqaalaha Ku Baxay Is Dabayaaca Xukumadda Ee Shirarka Dibada

Garabka Haw

Seattle (Salaanmedia.com)- Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Ee USA Oo Iftiimisay Dhaqaalaha Ku Baxay Is Dabayaaca Xukumadda Ee Shirarka Dibada Marwo Hodan Abdilahi Kariye waxa qoraal ay soo saartay ku sheegay inay ayaan daro tahay in agaasimayaal Wasiir iyo afhayeeno loo qarash gareeyo si ay dalka dibadiisa ugu dhoofaan.
Akhri Qoraalka Hodan Abdilahi Kariye :-
Sideedaba Wafdigan Balaadhan ee Ka Kooban Wasiirada Iyo Agaasimayaaha ee Raacay Madexweynaha Faa’iidada Somaliland ugu Jirtaa Maxaytahay ?
2014
Waxaa Yaab Leh Dawaladii loo Igmaday inay dhaqaalaha iyo Hantidada Dadweynaha ilaaliso Waxay isugu biyo shubatay meelkaste oo Shir Loo Tagayaba inay wasiiro iyo agaasimiyaal tirow badan ay is daba yaacaan Halkaana Dhaqaale Aad U Badan oo Dadka Iyo Dalkuba U Baahanyahay lagu lumiyow Tusaale Hadaan Ku soo Qaadano Safarkan Imka U Danbeeyay Waad ka warqabtaan Inta Wasiir iyo Agaasimayaal Ka soo Qab Gashay waa Su aal Muwaadin Kaste Oo Somalilad ihi Maanta Is Wadiinayo
Sida Aynu Wada Ogsoonahay Mudadii Xukuumada Siilanyo Talada Haysay Waxaa bilaabmay
In dhaqaale tiro badan iyo misaaniyada Si hawl Yari kujirto loo isticmaalayo iyadoo loo adeegsanayo Arimo Safar Iyo Shirar Badi doodu Bilaa Natiija Ku Dhamadaan . Shirkan oo Laguqabanayay London nuxurkiisuna Ahaa ,Shirkii Maalgashi sidaynu wada Ognahay Shirku Wuxuu Khuseeyaa oo ka qaba-gali Lahaa Kuna Haboonaa Madax Waynaha iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka khayraadka Hadii Laga Maarmi Waayo Iyo Ganacsatada Rer Somaliland
Oo Iyagu Dhaqala ahaan Isku Filan Ahana Dadka Cashuurta Laga qaado
Hadaba Waxa Is Waydiin Leh Wasiiradan Kale Iyo Wafdigan Balaadhan Maxay Ka Dooneen Meesha Waa Maxay faa’iidad kujrta Waa Su aal Jawaabteeda Laga Rabo Xukuumadan Ku Tumanyasa Cashuurtii Yarayd Ee Dadka Masaakiinta Ah Laga Qaadayay
Waxa Halkaa Ka Muuqda In Inta U Baxday Tamashlayntu Ay Aad U Badnayd waxaase
Ka Haboonaa Aduunka La Bur Burinaayo In Dhalinyarta Tahriibaysa Shaqo Loogu Sameeyo Ama Masaakiinta Wax Loogu Qabto Ama Caasumad
Hargeysa Iyo Magaalooyinka Kale Ee Dalka Xashiishka Lagaga guro
Halkan waxaan fariin u dirayaa dhamaant dadweynaha reer Somaliland iyo Labada Gole Baarlamanka Iyo Guurtida in Arimaha Noocaasa Laga Dhiidhiyo Loona Sheego Xaqiiqada
Xisbul Xaakimka Maanta Wadankeenu Wuxuu U Baahanyahay In La Bad Baadiyo.