Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Kulanka Ay La Qaadanayaan Deeq Bixiyayaasha Somaliland Ka Caawiy Doorashooyinka Ay Caqabad Ku Noqon Doonta Guddida Doorashada Oo Aan La Ansixin Iyo Xeerka Diwaan Gelinta Oo Guurtidu Hakisay

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Kulanka Ay La Qaadanayaan Deeq Bixiyayaasha Somaliland Ka Caawiy Doorashooyinka Ay Caqabad Ku Noqon Doonta Guddida Doorashada Oo Aan La Ansixin Iyo Xeerka Diwaan Gelinta Oo Guurtidu Hakisay

ff

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka war bixiyey safar sadexda hogaamiye ee xisbiyada qaranka somaliland maanta ugu baxeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu sheegay in ujeedada safarkoodu ay tahay sidii ay ula soo kulmi lahaayeen daneeyayaasha somaliland ee dhinaca doorashooyinka waxaanu yidhi “Nuxurka loo baxayaa waxa weeyaan inaanu la hadalno deeq bixiyayaasha, marka aanu leenahay deeq bixiyayaasha waxa weeyaan dadkii inaga caawinayey doorashooyinka, waxaanan ka xunahay inuu safarkayagu ku soo beegmo guddida doorashooyinka oo aan la ansixin iyo xeerkii oo la soo celiyey, waxaanan filaynay inaanu tagno iyada oo guddida doorashooyinku arintoodu dhamaatay sharcigiina la hir geliyey, waxaana ka sii daran iyada
oo xeerkii la gudbiyey la leeyahay xeer aan is waafaqsanayn ayaa dhacay taas oo nagu noqonaysa waji gabax kale laakiin waanu iska soo gal galan.”
Sidoo kale waxa uu sheegay gudoomiyaha xisbiga Ucid inay deeqbixiyayaasha somaliland kala hadli doonaan qadiyada somaliland iyo dhinacyada kale ee siyaasada waxaanu sheegay in arimaha guddida doorashooyinka iyo xeerka diwaan gelintu ay caqabad ku noqon doonaan kulankooda waxanu yidhi “ Arimahaasi dadka aanu u tagayno waxay ku keenaysaa wax aan la filayn, waxaanan jecelnahay inaanu ka nidhaahno wixii nagu waajib ah marka nala waydiiyo si aanay u niyad jabin dedaalkana u sii wadaan hawshana aanay dhinacooda uga hakin, wixii kale ee danaha reer somaliland ah ee bulshada caalamku la qaybsataa kuma koobna doorashooyinka oo kaliya balse waxaanu kala soo hadli doonaa mawqifka somaliland iyo himiladeeda, siyaasadaha ay ka leedahay dhinac kasta, mucaawimada ay u baahan tahay, waxaanan jecelnahay inaanu ku hadalno cod midaysan oo somaliland ah.” Ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe
Safarka sadexda gudoomiye ee xisbiyada somaliland ku tageen magaalada Nairobi ayaa ku soo beegmaya wakhti ilaa hada aan la samayn guddidii doorashooyinka isla markaana aan la dhaqan galin xeerka diwaan gelinta ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen.