Gudoomiye Cirro oo Ka Digay shirqool Xukuumaddu ku mija xaabinayso Qaranimada iyo doorashada

Gudoomiye Cirro oo Ka Digay shirqool Xukuumaddu ku mija xaabinayso Qaranimada iyo doorashada

Ciro  Ka

Hargeysa, (salaanmedia.com) Fadhi Golaha Wakiiladdu u balansanaayeen shalay in lagu ansixiyo xubnaha komishanka doorashooyinka ayaa baaqday, ka dib markii xildhibanaadda muxaafadku soo fadhiisan waayeen hoolka shirarka ee golahaasi.
Fadhigan aan caadiga ahayn ee xildhibaanadda la isugu yeedhay ayaa la doonayay in lagu ansixiyo guddida doorashooyinka qaranka oo dhawaan la magacaabay iyo miisaaniyadda 2015, hase yeeshee xildhibaanada muxaafadka oo aqlabiyadda golaha u badan ayaa goor horeba sii sheegay in aanay soo xaadiraynin illaa uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu ka qanciyo qodobo ay sheegeen inuu ku daray xeerka diiwaangelinta ee loo gudbiyay golaha Guurtidda.
Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kadib baaqashadii kulankaa warbaahinta u sheegay, in xildhibaanadda muxaafadka ah doraad shir loogu qabtay guriga madaxweyne ku xigeenka, halkaana ay ku gaadheen inay baajiyaan fadhigan, isagoo ku eeddeeyey xukuumadda inay doonayso in muddo kordhin loo smaeeyo taasina ay tahay sababta ay u baajinayso ansixinta guddiga doorashooyinka.
“Waxaanu iclaaminay oo xildhibaanadda isugu yeedhnay kalfadhi aan caadi ahayn si loo ansixiyo laba qodob oo kala ah, guddida doorashooyinka iyo miisaaniyadda qaranka, waxana kalfadhigaasi lagu baajiyay shir ka dhacay guriga madaxweyne ku xigeenka oo ay isugu yimaadeen xildhibaano badan oo ka tirsan golahani, taas oo loogu sheegay in aanay ka soo xaadirin fadhigan”,ayuu yidhi gudomiyaha golaha Wakiiladda Cirro.
Guddoomiyaha oo la waydiiyay xeerka diiwaangelinta ee xildhibaanaddu ku doodayaan in wax laga bedelay inuu jiro iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Xeerkii loo codeeyay ayaa loo gudbiyay golaha Guuritda, Guurtidu xaq bay u leedahay inay wax ka bedesho, haddii dib loo soo celiyana xaq waxa loogu leeyahay in wakiiladda la hor keeno oo laga doodo,laakiin xeerkii goluhu ansixiyay ayaa loo gudbiyay golaha Guurtidda, welina wuu ku maqan yahay”.
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu xukuumadda ku eeddeeyay inay doonayso inay carqaladayso doorashadda, isla markaana muddo kordhin ay rabto, waxaaanuu yidhi, “Way caddahay cidda daahinaysa doorashaddu, dadkuna way arkayaaan, waxaanu caalamka u soo ballan qaadnay sadexdayadda gudoomiye, in degdeg loo ansixiyo guddida Doorashooyinka.” Waxaanuu intaa raaciyay in taas ay diiday xukuumaddu.
Dhinaca kale, Gudoomiye Cirro qoraal uu soo saaray wuxuu baaq ugu jeediyay xukuumadda, shacbiga iyo guud ahaan golaha, waxaanuu qoraalkaa ku yidhi,
“Nasiibdarro waxaa maanta(shalay) baaqday ansixinta xubnaha Gudida Doorashooyinka oo Golaha Wakiiladu u ballansanaa kadib markii Xildhibaanada Taageera Xukuumadda Kulmiye ay ka maqnaadeen Golaha.
Waxaan filayaa inay ka danbaysay talaabadaasi shir ka dhacay guriga Madaxweyne ku-xigeenka Mr. Saylici.
Waxaa Marag ma doon ah in Xukuumaddu ay u tafaxaydatay carqaladaynta hawlaha Doorashooyinka si muddo kordhin loogu sameeyo.
Hadii ay doorashadu dhici waydo waxaa dhaawac weyni soo gaadhayaa geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo Qadiyadda Somaliland. Xukuumadda waxaan usoo jeedinayaa inay ixtiraamto heshiisyadii ay la gashay axsaabta qaranka iyo is-afgaradkii dawladaha la Saaxiibka ah Somaliland ee inaga taageera doorashooyinka lala gaadhay iyo in la dhawro kala madax banaanaanshaha Waaxaha Dawladda.
Shacabkana Waxaan usoo jeedinayaa inay markhaati ka noqdaan ficilada xildhibaanada iyo xukumaadda Kulmiye ee xaalad abuurka ah”.