Haddii Beesha Caalamka Iyo AMISON Yimaadaan Ansixin Mayno Komishanka Doorasha Ilaa..

Haddii Beesha Caalamka Iyo AMISON Yimaadaan Ansixin Mayno Komishanka Doorasha Ilaa..

Xildhibaanno1-150x150

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Gudoomiyaha Koowad ee Golaha Wakiilada iyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay khilaafka hakiyay fadhiyadii Golaha Wakiilada, isla markaan waxay sheegeen in aanu Goluhu furmay ilaa laga heshiiyo wax ka bedel ay sheegeen in Guddoomiyaha Golahaasi ku sameeyay xeerka diwaangelinta.
Labadan guddoomiye oo ka qaybgalay Kulan Qado ah oo loogu Sameeyay Xildhibaanada KULMIYE Hotel Maansoor.
Kulanka oo ugu horayn uu ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada, Cali Yuusuf Axmed wuxuu yidhi “Waxay ahayd inaanu Guddoomiyaha la aragno xeerka loo gudbinayo Golaha Guurtida, oo aanu la saxno, sidaana loogu gudbiyo, laakiin nasiib daro xeerkii la isku raacey ayaa wax laga bedalay, Guurtiduna markay ogaadeen ayay soo celiyeen waxayna yidhaahdeen xeerkani maaha kii Goluhu isku raacey ee soo saxa.”
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada, Baashe Maxamed Faarax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Guddoomiyaha waanu u dhiibnay sagaalka qodob ee qaldan, laakiin Komiishan baa la hor-taagan yahay iyo Madaxtooyadaa soo dhex gashay (waxba kama jiraan) Komishanka lama diidana oo waa la ogol yahay, laakiin waa in mar hore khilaafkii Golaha dhexdiisa ahaa meel la isla dhigaa, wixii intaa ka horeeya wax la ansixiyaa ma jiraan, ilaa xeerkii (Diwaangelinta) sidiisii loogu gudbiyo Golaha Guurtida. Golihii fasax ayuu ku jiraa, ilaa 8-da bisha 11-aadna arrintaasi waxay gacantiisa ku jirtaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, cid dhex dhexaadin kartaa iyo cid kale oo ka hadli kartaana ma jirto inta Goluhu arrintooda dhameysanayaan”
Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu xildhibaanada Waddani ugu baaqay inay jawaab cad ka keenaan faragelinta ay ku Baaqeen in lagu sameeyo Somaliland“Xildhibaannada WADDANI ee raacsan Guddoomiyahooda waan maqlayey inay lahaayeen hala na soo dhex galo iyo ciidamo AMISOM ah hala keeno, waxaasi maaha wax loo dulqaadanayo, Somaliland faro-gelin laguma samaynayo, xildhibaannada yidhi AMISOM hala noo keeno iyo Xasan Sheekh ha nagu soo duulo, iyagaa ka jawaabi doona, waana khiyaamo qaran, waa qaran dumis ninka yidhaahda Somaliland hala keeno AMISOM” ayuu yidhi.