Idaacad Cusub Oo Ku Hadlaysa Afka Kooxda Khaatumo Oo Burco Laga Dhagaysanayey Habeenadii Ugu Danbeeyey Iyo Xukuumada Siilanyo Oo Aan Wali Ka Hadlin Arinkaa

Idaacad Cusub Oo Ku Hadlaysa Afka Kooxda Khaatumo Oo Burco Laga Dhagaysanayey Habeenadii Ugu Danbeeyey Iyo Xukuumada Siilanyo Oo Aan Wali Ka Hadlin Arinkaa

Idaacad

Burco (Salaanmedia.com) idaacad Cusub ayaa maalmihii u danbeeyayba laga Dhagaysanayey Hawadda Magaalada Burco ,taasi oo sida la sheegay Tijaabo ah ,sida ay noo xaqiijiyeen Ilo Xogogaal ahi.
idaacadan oo mar-na hawada ka baxaysa mar-na soo galaysa ayaa waxa leh maamulka Khaatumo State sida la sheegay ,waxaana laga dhagaystay Mawjadaha gaagaaban ee Short-Wives SW1.
Waxaana marka ay soo gasho Hawada idaacdani Cusub ay baahinaysaa oo laga dhagaystay Heeso Somali ah kuwaasi oo ah heesihii hore Qaraamiga ahaa ,inkastoo ay u muuqdaan in lagu tijaabinaayo Heesani Lagu Aamanayo Xukumadii Dhacday Ee Maxamed Siyaad Barre,
Geesta kale Xukuumadda Somaliland ee ku mashquushay joojinta Xuska SNM ayaan wali ka hadal idaacadan ay leedahay Khaatumo State iyo meesha ay ku taalo-na .
Ugu Danbayntii idaacadani Cusub Ee ku Hadlaysa Afka Maamulka Khaatumo State ayaa iyadu Maalmihii u Danbeyayba ay Dadwaynaha Magaladda Burco si Wayn isu Waydinayeen Cida Leh Idaacadani iyo Waliba Halka Laga Maamulo.