JAAMACADA GOLIS OO SOO KORDHISAY FAKAL CUSUB OO JOURALISMA AH

JAAMACADA GOLIS OO SOO KORDHISAY FAKAL CUSUB OO JOURALISMA AH

Golis 5

Hargeysa(Salaanmedia.Com) Jaamacada golis ayaa maanta qabatay xaflada balaadhan taas oo lugu daahfurayey fakal cusub oo ah jouralisma ah kaas oo lugu baran doono waxa barasho online ah oo ay kuu dhigi donaan macalimiin maraykan iyo hindi isugu jira munaasimada xafladan lugu daahfurayo fakalkan saxaafada ah ayaa wxa ay ka qabsoontay huteel maansoor ee magaalada hargeysa
Waxaan ka soo qayib galay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, saxaafad aad u tiro badan, marti sharaf iyo waliba masuuliyiinta jaamacad ugu horayin waxa halkaa ka hadlay Cabdle Maxamed Axmed oo ka mida saraakiisa jaamacad golis waxaan uu yidhi”waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan ka soo qayinb galayaasha
xafladan marwo iyo mudanayaalba maamulka jaamacada golis saxaafada Somaliland ee kala duwan ,xafladan aan maanta soo bandhiganay waxa uu soo socday hindiseheegu muda badan
Mana aha guul u soo hoyatay jaamacada hargeysa ee waa mid u soo haytay saxaafada Somaliland guud ahaanba waan mid waxa wayin ka tari doonta dhalinyaradeena jecel in ay ku shaqaystaan xirfada saxaafada jaamacada golis waxa ay samaysay dadaal waayo waxa ay la xidhiidhay jaamacadao caalami ah oo maraykan ku yaal taas oo ka duulaysa sidii ay ugu gargaaro lahayid saxaafada Somaliland

Golis 3

Waxa kale oo maanat halkan ay idiinka sheegaysaa jaamacada golis in ay idiin hayso fursad qaaliay waayo adoo wadankaag ama gurigaaga jooga yaad helaysaa shaahdo maraykan oo jaamacada maraykan ahi ku samaysya taasan waxa la odhan karaa waa fursad aad u muhim ah
Waxa geestooda iyaguna halkaa ka hadlay qaar ka mida suxufiyiinta Somaliland oo iyaguna sheegay sida ay saxaafadu ugu baahantahay in loo furo fakalkan cusub oo isagu ah mid ay aad ugu baahnayeen .
Gabagabadii waxa munaasibadaa soo afmeeray wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan waxa uu yidhi”marka hore waxaan u mahad celinayaa jaamacada golis oo maanat fursada intan leeg iyadu u samaysay saxafiyiinta Somaliland runtii waan ku faraxsanahay jaamacadah ay xidhiidhka la yeesheen iyo sida ay isugu howleen in ay waxa y qabtaan dayartooda mihinadoodu tahay saxaafada
Waxa kale oo iyna xusid mudan in uu qofku online ku dhiganayo isagoo gurigiisa jooga ama xafiiskiisa taasina waa fursad labaad ayaa la si odhanyaa ayuu ku soo gabagabeeyay wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafintu