Jamaal Cali Xuseen Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley iyo Maayarka Gabiley Oo Ku Fashilmay Buuqii Uu Samyasan Jirey

Jamaal Cali Xuseen Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Gabiley iyo Maayarka Gabiley Oo Ku Fashilmay Buuqii Uu Samyasan Jirey

Unknown

Gabiley(Salaanmedia.com)-Murashaxa jagada Madaxweynaha ee XCisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa, taageerayaal ciida badan oo katirsan Dadweynaha Reer Gabiley oo qaarkoodna hore uga tirsanaayeen Xisbiga Ucid qaarkoodna, kusoo biireen xiligan maanta kusoo dhaweeyeen Gudaha Magaalada Gabiley taas oo ay ku muujiyeen dhoolatus balaadhan oo dabada ku haya sida ay xiligan Reer Gabiley ugu diga rogteen Xisbiyada Mucaaridka ah ee

dalka ka jira. Soo dhaweynta Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley maanta u sameeyeen Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen,waxa ku wehelinayay socdaalkiisan uu Gabiley ku gaadhay Gudoomiye Kuxigeenka Sadexaad ee Xisbniga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Marwo Faadumo Siciid iyo xubno kale oo katirsan Xisbiga Ucid,waxaanay
kala kulmeen gudaha Magaalada Gabiley soo dhaweyn diiran oo dhoolatus ah kadib markii ay boqolaal qof oo kamid ah dadwey ha Reer Gabiley,ugu quus gooyeen soo dhaweynta Jamaal talaabooyinkii uu buuqa ku sameysan jirey Maaayarka Gabiley oo Xukuumada Kulmiye isku tusa in uu rabshado kala hortagayo Xisbiyada Mucaaridka ah haseyeeshee,la hafiyay oo ay taasi ku noqotey ciyigii waa ka baryay

Jamaal Cali Xuseen waa Reer Gabiley oo Gabileybaa dhashey,oo abtaa loo yahey markaa cid ay Gabiley ku murmayaan majirto,waxaan uga digayaa madaxda Gabiley ha u horeeyo maayarkuye in dalkani yahey dal dimuqraadiya xataa badhasaabyada,oo ay dadku xaq u leeyihiin in ay dareenkooda muujiyaan in ay cida ay doonayaan taageeraan in ay cida ay doonayaan kasoo sharaxaan halka ay doonaan, Reer Gabiley Doraad Awdal-bay U Codeeyeen Oo Daahir Riyaale Ayay Soo Saareen , Shaleyna Reer Burco Ayey U Codeeyeen Oo Siilaanyo Ayey Soo Saareen, Maantana Iyaga Ayaa Isku Codeynaya Goboladii Ay Hore Ugu Codeeyeen Abaalkii Bay Ka Doonayaa “Gudoomiye Ku-Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga
Ucid Mujaahid Cali Guray.
“Maanta waxa farxad ii ah sida wanaagsan ee diiran ee caqiibada leh ee xushmadu kujirto ee kalgacaylku kujira ee maanta hoygayagii,gurigayagii dadkayagii,ehelkayagii aanu kusoo booqanay,oo aanay cidina iska kaaya hortaagin,ta labaad waxaan leeyahey saraakiishii baxdey alaha ha unaxriisto,ilaahay janatul fardows albaabadeeda ha u balaqo,saraakiishaasi laba reer kamay bixin lama Gobolna kamay bixin Somaliland ayay ka baxeen,anakay naga baxeen,caruurtayadii bay ahaayeen waxey ahaayeen dadka aanu ku seexano ee aanu ku gama,no waxaan leeyahey ilaahay samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo dhamaanteenba,Walaalayaal Reer Gabilayow hadii Jamaal Cali Xuseen ku guulaysto talada dalka RRU La idiimna soo diri doono,oo xabad la idinkuma seexin doono oo Xabsiya cidna laguma ridi doono, oo caruurtiinu tahriib kuma dhiman doonto,hooyooyinku ma ooyi doonaan,kama ooyi doonaan markay caruurahoodu shaqo waayeen ee ay Ixtiraam waayeen ee ay dabeetana bada isku tuureen insha alaahu bi idmi laahi kariim nimcada Gabiley fadhida weynu soo saareynaa”Ayay tidhi marwo Faadumo Siciid.
Lasoco Khudbada Mureashaxa Jagda Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ujeediyay Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Gobolka Gabiley

Ucid Medai Gabiley