KHILAAFKII U DHAXEEYAY MADAXWEYNAHA IYO RA’IISUL WASAARAHA SOMALIA OO BANANKA YIMID (WARBIXIN)

KHILAAFKII U DHAXEEYAY MADAXWEYNAHA IYO RA’IISUL WASAARAHA SOMALIA OO BANANKA YIMID (WARBIXIN)

1 Madaxweyne-Xasan1

(Salaanmedia.com)-
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadooduba isku Shaandheynta iyo diidmada micno kala gaar ah ugu sameeyay, waxaana warar kasoo kala baxay labada xafiis lagu kala cadeeyay isku shaandheynta

Waxaa xilligaan muuqanaysa khilaaf xoogan oo ka dhex-taagan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Khilaafkasi oo soo shaac baxay shalay subaxdii markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku dhawaaqay isku shaandheyn uu ku sameeyay Golaha Wasiirada Soomaaliya Qaarkood.

Isku Shaandheynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sameeyay shalay subax ayaa waxa ay taabatay Wasiiro aad ugu dhaw Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, waana mida keentay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kasoo horjeesto isku shaandheynta uu Ra’iisul Wasaaraha sameeyay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa labadooduba isku Shaandheynta iyo diidmada micno kala gaar ah ugu sameeyay, waxaana warar kasoo kala baxay labada xafiis lagu kala cadeeyay isku shaandheynta iyo diidmada qeexan ee Madaxweynaha dhankiisa ka timid.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amray dhamaan Wasiirada iyo Wasiiru
ku xigeenada shaqooyinkooda loo kala bedelay inay sii wataan shaqadooda oo aysan u joojin wax ku aadan isku shaandheynta, maadaama aysan sharci aheyn sida uu yiri, marka loo eego marxalada siyaasadeed ee hada dalka uu maraayo.

Marka loo eego sida ay wax u socdaan waxaa muuqata dagaal siyaasadeed cusub oo ka dhex-biloowday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxweynaha dalka, iyadoo dadka odorosa Siyaasada dalka ay sheegayaan in dagaalkaan uu soo biloowday markii xilka laga qaaday Agasimihii Nabadsugida C/laahi Sambaloolshe oo loo xaglinaayay garabka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirada Xukuumadda ayaa u kala safan garab taageersan Madaxweynaha dalka iyo garab taageersan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo Baarlamanka dalka oo ah Hay’adda sharci dejint dalka ay sheeda ka daawanayaan sida ay wax ku socdaan.

Sidoo kale arimahaan xasaasiga waxa ay kusoo aadeen xilli Wasaarada Cadaalada Garsoorka iyo Arimaha Dastuurka iyo Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka uu khilaaf ka dhex-taagan yahay, sidoo kalena uu socdo qorshe Garsoorka dalka dib u habeyn loogu sameynaayo.

Khilaafyada caynkaan ah marka ay ka dhex-curtaan Madaxda dowladda ayaa ugu dambeyn xalkooda waxa ay ku biyo shubtaan in labada masuul midkood uu daaqada ka baxo sida looga bartay Dowladihii dalka soo maray ee ragaadiyay khilaafka caynkaan oo kale ah.

Dalka Soomaaliya malahan Maxkamad Dastuuri ah oo dib loogu noqdo marka hoganka dalka uu soo kala dhex-galo khilaafyada noocaan oo kale ah.
Labada Hogaamiye ee Khilaafka uu ka dhex-taagan yahay ayaa xafiisyadooda waxaa ka socda shax siyaasadeed midba midka kale uu kaga hortagaayo daadadka Siyaasadeed ee uu filan karo inay kaga yimaadaan xafiiska kale.

Waxaa la dhowrayaa tallaabooyinka xiga amuurahaan ee ay qaadaan Madaxda dalka Soomaaliya, Baarlamaanka dalkana waa halkiisa oo hadba waxaa suuragal ah inay sugayaan mooshin labada masuul mid un daaqada looga saaro.