KULMIYE Oo Ka Hadlay In Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay Musharraxnimadii marka labaad ee Hankiisa Kursiga

KULMIYE Oo Ka Hadlay In Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay Musharraxnimadii marka labaad ee Hankiisa Kursiga

ss

Hargeysa(Salaanmedia.com):- Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar la baahiyey oo sheegaya in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka tanaasulay Musharraxnimadii Mataxinnimada ee Xisbiga KULMIYE ee doorashada Somaliland ka qabsoomi doonta 2015-ka uu ugu tartami doono mar labaad Kursiga uu ku fadhiyo, iyadoo la sheegay in Madaxweynuhu Madaxda Xisbiga ku celiyey inuu hankaas oo uu dagaal badan oo Xisbiga dhexdiisa iyo Xukuumadda ka dhex-dhacay u galay.
Musharraxnimada inuu mar labaad Madaxweyne Siilaanyo noqdo Musharraxa KULMIYE ee Madaxweynaha u tartamaya, ayaa kala fogaan iyo buuq badan ka dhex-abuurtay Xisbiag KULMIYE iyo Xukuumadda Siilaanyo, ka dib markii Guddoomiyaha Xisibgaas Muuse Biixi Cabdi dhawr bilood ka hor shaaciyey inuu yahay Musharrax u taagan inuu u tartamo jagada Madxweynaha ee KULMIYE, taasoo Siilaanyo iyo Wasiirradiisuna ka hor-jeesteen, waxaanay taasi sababtay in dad badan oo Muuse taageersanaa loo xidhxidho, qaarkoodna xilka laga qaado sida Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Fikirka Siilaanyo iyo Kooxdiisu qabeen ka soo horjeestay.
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaaWar-Saxaafadeed uu caawa soo saaray oo uu isagu ku saxeexan yahay waxa uu ku sheegay in Masuuliyiinta sarsare ee KULMIYE maanta shir ay yeesheen kaga wadahadleen jiritaanka Warka sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay hankiisii musharraxnimada inuu Kursiga shanta sano ee soo socda mar labaad ku fadhiisto.
War-Saxaafadeedka uu soo saaray Jaamac-Shabeel oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xarunta Wargeyska Ogaal, waxa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan:- “Xisbiga KULMIYE Wuxuu Si cad u Beeninayaa Warka Shalay ku soo baxay labada Jariidadood ee kala ah Ogaal iyo Geeska Africa ee lagu Sheegay inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Go’aansaday inuu ka Tanasulay Murashaxnimadiisa Doorashada Madaxtoyada Ee 2015-Ka ka Dhici Doonta Dalka.
Iyadoo Warkan Lagu Sheegay inuu Madaxweynuhu Go’aankiisa ka Sheegay Laba Kulan oo Madaxtooyada ka Dhacay oo ay Goob joog ahaayeen Xubno Kooban Oo Golaha Wasiirada ka mida iyo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Haddaba, Madaxda Sare ee Xisbiga KULMIYE oo Shir ay (Maanta Oo Ah Axad 12-10-2014), Isugu Yimaadeen Xarunta Xisbiga Kulmiye oo Aay Kaga Wada Hadlayeen Warkaa Been Abuurka ah ee Ku Soo Baxay Labadaa Jariidadood, Wuxuu Gudoomiyaha Xisbigu Halkaa Ka Cadeeyay In isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo ay is Aragooda ugu Danbeysay Maalinti Ciidal Adxada.
Maalintii Madaxweynuhu Dhoofayay iyo Afartii Malmood ee Ka Horeeyayna Uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Bixii Cabdi iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Koowad ee Xisbiga Maxamed Kaahin Iyo Madax kale oo Kamida Madaxda Xisbiga iyo Xukuumaduba Waxay ku Mashquuleen BaadigoobkiiMaydkii Marxuum Nuux Xuseen Ee Daadku ku Qaadey Dooxa Dacar budhuq. Haddaba,Hogaanka Sare ee Xisbiga KULMIYE Wuxuu si Buuxda u Cadaynayaa inu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Yahay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ee Doorashada 2015-ka ka Qabsoomi Doonta Dalka.
Waxa La Wada Xusuusanyay inay Markii hore Jireen Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Laba Murashax Madaxweyne oo kala ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi Arrintaasi oo Sababtay Xisbiga Dhexdiisa Khilaaf Culus Oo Xisbiga kala Qaybiyay,balse kadib, markay labadooda Murrashax gaar u Wada Hadleen ayuu Gudoomiyaha Xisbigu ku Dhawaaqay inuu Murashaxnimadii Madaxweynenimo uga Tanaasulay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Oo Sidaa ku Noqday Murashaxa Kaliya ee u Taagan Xisbiga KULMIYE,Sidaana u Taageero Buuxda ula Taaganyahay Hogaanka Sare ee Xisbigu.
Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda reer Somaliland u Cadeynayaa inay Arrimaha Doorashooyinka iyo Soo Saarida Murashaxniita ay yihiin Arrimaha Xisbigu ku Shaqo Leeyahay iyadoo ay Talaabo kasta kala Tashanayaan Madaxweynaha oo ah Odayga Xisbiga,Sidaas Daraadeed, Waxaanu Ummadda Reer Somaliland u Sheegaynaa inaanay Dheg u Dhigin Wararka been Abuurka ah ee had iyo jeer laysla dhex maro,balse kaliya ay wax ku qabsadaan wixii war ah ee Rasmiya ee Ka soo baxa Xisbiga KULMIYE.”
Hay’adaha dawladda Soomaaliya, ayaan weli ka hadal Qaraxan caawa Muqdisho ka dhacay, waxaana qaraxan uu kusoo beegmayaa xilli ay madaxda sare ee dalka ay ka qaybgalayaan xaflad lagu maamuusayo sannadguuradii 60-aad ee kasoo wareegtay calanka Soomaaliya.

 

Salaanemdia/Hargaysa  

Ogaal