M.Siilaanyo Iyo M.Xasan Sheekh Oo Lagu Wado Inay Isku Hor Fadhiistaan Wada Xaajood Ka Dhacaya UAE

M.Siilaanyo Iyo M.Xasan Sheekh Oo Lagu Wado Inay Isku Hor Fadhiistaan Wada Xaajood Ka Dhacaya UAE

Siilanyo Xassan

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu safar kedis ah ugu kicitimo dalka Imaaraadka Carabta maanta, isla markaana waxa isna magaalada Muqdisho lagu wadaa inuu ka soo duulo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hogaaminayo oo tegaya isla wadanka Imaaraadka carabta.
Ma jiraan warar si toos ah u xaqiijiyay socdaalka weftiga Somaliland, meesha ay tegayaan iyo sababta ay u tegayaan toona, balse illo uu soo xigtay wargeyska Ogaal waxay tibaaxeen, in lagu wado maanta inay dalka ka dhoofaan wefti uu hogaaminayo Madaxweynuhu, kaasoo xubnihiisa la sheegay inay ka mid yihiin, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Arr. Dibada iyo xubno kale oo xoguhu tibaaxeen inay ka mid yihiin labada gudoomiye ee xisbiyada Ucid iyo Kulmiye. Xogaha qaar waxay tilmaameen, in safarkoodu la xidhiidho kulamo ay la soo yeelan doonaan shirkadaha shidaalka ee ay heshiiska la galeen qaarkood, balse xogaha badidoodu waxay tibaaxeen, inay halkaa ku balansan yihiin Madaxweynaha Somaliland iyo ka Soomaaliya oo ay wada hadal ku yeelan doonaan halkaa, isla markaana ay labada wefti isku waqti ku beegan yihiin Dubai, haddii aanay wax kale is bedelin. Ma jiraan tibaaxo muujinaya nooca wada xaajoodka ay yeelan doonaan, inuu ku xidhiidhsan yahay wada hadaladii hore ee heshiisyadii hordhaca ahaa ee lagu gaadhayba ay fuli waayeen iyo in kale oo loo balansan yahay ka wada hadalka qodobo cusub oo loo badinayo qaar dano dhaqaale iyo is faham dhinaca shidaalka laga gaadho ku lug leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo caalamka soomaaliya taageeraa haatan aad u qawadsan yihiin, khilaaf hor lihina uu ka dhex curtay isaga iyo Ra,iisal wasaaraha, ayaa beryahanba dabada ka riixayay qorshe 8 maamul goboleed oo wadaaga dawladda federaalka ah lagaga dhigayo dalkii hore laysugu odhan jiray Somali Republic, qorshahaas oo uu aad ugu ololaynayo ergayga qaramada midoobay ee soomaaliya Nicolas Key, horena sida la sheegay wax laga waydiiyay xukuumadda Siilaanyo fikirkeeda iyo siday u aragto, iyadoo xukuumada iyo xisbiyaduna ay wadajir hadal ahaan ugu dhawaaqeen mustaqbalka Somaliland inuu yahay qaran gaar u taagan.
Inkastoo nin caalamka ka soo shaqeeyay uu hayo jagada wasiirka arrimaha dibada Somaliland, hadana, siday iftiiminayaan xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo diblomaasiyadeed oo Nairobi iyo gudaha dalka ku kala sugan, wuxuu la tacaalayaa sidii ay xukuumadu uga dhabayn fulinta axdiyada ay la gasho caalamka, kuwaasoo loo nisbaynayo kala kicintooda gacmo kale oo xoog ku leh. Dhinaca kale Madaxwe Siilaanyo iyo weftigiisu waxay baxayaan xili khlilaaf culusi hakiyay hayaankii doorashada. Tabashooyin iyo mushkilado kale oo daakhili ahina ay weli xal la,aan jiitamayaan.