MA DHABAA IN ? Aqalka Madaxtooyada uu Aad Ugu Mashquulsan Joojinta Shirka Dhalinyarada Somalilanda Ee Cadaadlay Iyo Laamaha Amaanka Oo La Faray In Ay Xidh Xidhaan Dhalinyarada Wada Shirka.

MA DHABAA IN ? Aqalka Madaxtooyada uu Aad Ugu Mashquulsan Joojinta Shirka Dhalinyarada Somalilanda Ee Cadaadlay Iyo Laamaha Amaanka Oo La Faray In Ay Xidh Xidhaan Dhalinyarada Wada Shirka.

MADAXTOOYADA

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Aqalka Madaxtooya Somaliland ayaa maal mihii ugu danbeeyey waxaa ay si xooga ugu mashquulsanayd sidii loo joojin lahaa shirweynaha ay dhalinyarada Bariga Magaalada Hargeysa ku dhawaaqeen in ay ku qabanayaan magaalada Faca-weyn ee dagmada Cadaadlay oo ka tirsan gobalka Maroodi-Jeex.
Ma jiraan illaa hada warar rasmi ah oo arrintan ku saabsan,balse sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ah oo naga soo gaadhaya burjuwaasiinta madbakha Aqalka Madaxtooyada,ayaa waxaa ay sheegayaan in ay abaabulayaan Madax-dhaqameed iyo dhalinyaro ku hadasha afkii waji ku macaashka si ay u carqaladeeyaan shirka dhalinyarada Somaliland.
Dhanka kale waxaa durba bilaabantay Madax-dhaqameed bilaabay in ay ku hadlaaan afkii waji ku macaashka oo laga soo abaabulay Aqalka Madaxtooyada Somaliland,waxaana ay sheegeen in aanay marnaba aqbali doonin in shirka lagu qabanaayo Magaalada Cadaadlay ee gobalka Maroodi Jeex aanu ka dhici doonin,sida oo kalena ay dhalinyarada ku dhawaaqday aanay ma talin dagmada Cadaadlay.
Wararka kale ee iyaguna amuurtan ku saabsan ee naga soo gaadhay Burjuwaasiinta Madbakha Aqalka Madaxtooyada dabka u kala qaada ayaa waxaa ay sheegayaan in kulamo is daba jog ah oo iyaguna illaa habeen hore gudaha Aqalka Madaxtooyada uga socday Masuuliyiinta Laamaha Amaanka u qaabilsan dalka iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumada Siilaanyo lagu amray in ay geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuulaan sidii ay u soo xidh xidhi lahaayeen dhalinyarada shirka wada qaban qaabadiisa,waxaana isla xalay illaa fiidkii hore ay ciidamo dhar cad ah oo basaasay in dhalinyaradaasi ay joogaan Hotel Shiraaqle ku gaaf wareegaysay,si ay haddii ay fadhiyaan ay laamaha amaanka ugu dalbadaan.
Ugu danbayntii maal ka hor ayaa ay ahayd markii dhaliyarada wada shirkan si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalada Cadaadlay iyada oo sida oo kalena halkaasi dhalinyarada lagu gudoonsiiyey xoolo ay dadweynaha ku dhaqan magaalada Cadaadlay ugu talo galeen in shirkaasi lagu qabto.