MA OGTAHAY IN :Xukuumadda Somaliland Ay Ciidamo Ku Wareejisay Xarunta Hidaha Ee Sahro Halgan Ku Leedahay Hargeysa

MA OGTAHAY IN :Xukuumadda Somaliland Ay Ciidamo Ku Wareejisay Xarunta Hidaha Ee Sahro Halgan Ku Leedahay Hargeysa

RRU one

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ciidan ku xeertay xarunta Hidaha iyo dhaqanka ee magaalada Hargeysa, isla markaana Mulkiilaha xarunta Sahra Halgan oo ka hadashay talaabooyinka ciidamadu isugu xeereen xarunta.
Sahra Halgan oo shalay Warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa, waxay sheegtay inay doonaysay in faataxada loo maro raggii u soo halgamay dalka Somaliland. “Anigu maanta wuxuun baan u baahnaa inta la isku yimaado Faataxada Loo maro Nimankii dalkan u soo halgamay ee waxan suuro galiyay, laakiin waxay igu noqotay markaan Askartii Somaliland aan Hiddo dhawr ugu imid ee ay iskaga kaayo hor taageen inaanu Xusno raggii wadankan u soo halgamay, iyadoo waliba aan anigu kaligay is-xilqaamay anoon cid kale waxba waydiin, dee waxaaban filaayay in laygu hambalyeeyo oo la yidhaahdo hawl baad naga furatay,”Sidaa ayay tidhi Sahra Halgan.
Sahra Halgan waxay sheegtay in Xukumadda ku wargalisay in Xuskani yahay Mid siyaasad ka madhan waxayna tidhi, “Waan u sheegay oo wax siyaasadaysan may ahayn, waana kuwii u suuro galilayay kuwa la xusayaa kuwan Siyaasadda isku haysta.markaa in maanta la iidiido waa wax laga xumaado. Waa wax laga xumaado in Warancadde iyo Fadal intay Askar soo kexeeyaan ay dhigaan Hiddo dhawr, damiirkooda ku kalifay in Anigoo Sahra Halgan ah oo xusaya Rag aan gacantayda ku dhayay iyo kuwo Gacantayda ku dhintay, iyaga laftigooda ayay calaamatul su’aal saaran tahay, ma muwaadiniin Somaliland ah-baa mise waa dad doonaya uun inay wadanka Xilkaas ku haystaan.”