Madaxweynaha Somalia Oo ka Degay Barawe Iyo Al-shabaab Oo Weerartay Diyaaraddii Siday

Madaxweynaha Somalia Oo ka Degay Barawe Iyo Al-shabaab Oo Weerartay Diyaaraddii Siday

Baraawe

Muqdisho, 12 Oct 2014 (Salaanmedia.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa shalay gaadhay Magaalada Barawe ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhawaan u soo gacan gashay maamulkiisa.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaataan Masuuliyiinta iyo saraakiisha katirsan Dawlada iyo AMISOM ee kusugan Magaaladaasi , waxa ay sidoo kale kulamo la qaadan doonaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan Bulshada Baraawe. xasan sh Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in Duqeyn la beegsadeen diyaaradii waday Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta ka dagtay Baraawe , waxaana Warbaahinta Al-Shabaab oo soo xiganeysa Sargaal katirsan kooxdaasi ay baahiyeen in Madaxweynaha uu ka bad baaday isku day dil oo ay u qorsheeyeen.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in Qoriga lidka Diyaaradaha lagu weeraray Diyaaradii waday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maamuud , waxaana duqeynta kadib Ciidamada AMISOM iyagana Ku Jawaabeen garaaceen madaafiic xoogan.
Xaalada Magaalada Baraawe ayaa hada ah mid dagan , mana jiro Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowlada oo ka hadlay Warka Shabaab baahiyeen ee ku aadan in Madaxweynaha Diyaaradii waday ay duqeeyeen.
Degmada Baraawe oo saaran badweynta Hindiya ayaa dhowaan laga qabsaday ururka al-Shabaab oo ay ka talinayeen mudo 6-sano, waxaana ay ahayd fadhiisinkii ugu weyna kooxda mudooyinkan.