Madaxweynaha Soomaaliya Oo Abu Dhabi U Tagey Shirka Soomaaliya Iyo M/weyne Siilaanyo Oo Ka Qeyb Galaya

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Abu Dhabi U Tagey Shirka Soomaaliya Iyo M/weyne Siilaanyo Oo Ka Qeyb Galaya

iyaga

Abu Dhabi-(Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaadhay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo la filayo in uu uga qeyb galo shir lagu lafo gurayo ar ee lagu qabto rimaha Soomaaliya iyo bdhcad badeedda, halkaas oo la filayo in uu ka jeedin doonto khudbad, sidaana waxa baahiyay warbaahinta ay dawladdu maamusho ee Soomaaliya. Madaxda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan lagaga hadlayo oo kale midnimada Soomaaliya, waxaanay xuseen waa sida ay hadalka u dhigeene in ay sidoo kale ka qeyb galayaan shirkan waxa ay ugu yeedheen maamuladda ka jira Somaliland, Puntland. Sidoo kale, waxa shirkan ka qeyb galaya wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo magaalada Abu Dhabi, u
tagey ka qeyb galka Shirkan. Shirkan oo ah kii Labaad ee noociisa ah ee lagu qabto magaalada Abu Dhabi, waxa la filayaa in ay ka soo qeyb galaan madax kala duwan oo ka socota caalamka, waxaana magaalada Abu Dhabi, loogu qabtay badhtamihii sannadkii 2012-kii shir kan ka horeeyay oo ay ka soo qeyb galeen wadamadda Pakistan, Sira-lank, Kenya, Tanzania, Seychelles, Pakistan, Sira-lank, Kenya, Taiwan iyo Tanzania