MADAXWEYNE SIILAANYO SNM ISAGAA BAABIIYAY SOMALILANDNA ISAGAA BAABIINAYA,WAXA DHACAYAANA WAA WAX ISKA HORKEENI KARA SHACABKA IYO TALISKAN CADCEEDA SII DHACEYSA AH”XILDHIBAAN BUUBAA

MADAXWEYNE SIILAANYO SNM ISAGAA BAABIIYAY SOMALILANDNA ISAGAA BAABIINAYA,WAXA DHACAYAANA WAA WAX ISKA HORKEENI KARA SHACABKA IYO TALISKAN CADCEEDA SII DHACEYSA AH”XILDHIBAAN BUUBAA

image

Boorame(Salaanmedia.com)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si adag u cambaareeyay talaabada Xukuumadu kula kacdey Xarunta Hidodhowr ee Fanaanada Caanka ah ee Sahra Halgan ku qabaneysay Xuska Shudada Saraakiishii Halgankii SNM Waxaanu eedyamo kulu ugu soo jeediyay Xukuumada iyo Madaxweyneha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyay in uu dalka ku dhaqayo sharci daro,halka Madaxweynihii ka horeeyay Daahir Rayaale sharciga ku maamuli jirey inta badan.

“Madaxweyne Siilaanyo waxaan leenahay dib isku daawo oo is akhri oo is dhageyso oo is maqal,wuxu shaley ku dhaqmayay ee fursadaha Siyaasadeed ka eegayay inuu maanta dadka ka horjoogsado sharci daray ku tahey,waxaananu ku leenahay adigu sharci daraad manta

dalka ku maamulaysaa kii kaa horeeyay sharci buu ku dhaqi jirey,inta badan markaad adigu tobanka meelood ku qabaneysay kugumuu qabsan lagaaga hadhi maayo sharci darada aad dalka ku maamulayso iyo xooga aad u sheeganeyso Muwaadiniinta taariikhdana wey galeysaa waligeedna wey ugu jireysaa”Ayuu yidhi Xildhibaan Buubaa afhayeenka Xisbiga Wadani.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa”Umada Reer Somaliland maanta waa wada Mucaarid shaleybaad arkeysay Wasiirkii Ciyaaraha inta uu Jaamacada Burco Ardeydii soo hor istaagey kuyidhi ma Mucaaridbaad tihiin Burco ma Mucaaridbaa markaasaa lagu yidhi haa Mucaaridbaanu nahey,sida Sahra Halgan loola dhaqmey waa dhaqanka dadka kalitaliska ah ee nidaamka maamulka xumi ku dhaqmaan weeyi waa wax suurtaglin kara in uu iska hor keeno Shacabka Mujtamaca Somaliland iyo Taliska howlgabka ah ee Cadceeda sii dhaceysa ah,ee maanta Qarankan ka taliya ee Hogaanka u ah Madaxweyne Siilaanyo isagaa Baabiiyay SNM maantana Somaliland inuu baabiiyo ayuu doonayaa,waxaanu u sheegaynaa Wasiirka Daakhilga iyo Kuxigeenkiisaba labadyba in ay ku fashilmeen Xilkii Qarakan ee loo igmadey labaduba waxaanu ku cambaareyneynaa hadaanu nahey Xisbiga Wadani inataa sharafta iyo milgaha leh iyo martidii kale ee u imanaysay munaasibadaa qiimaha leh ee ay kamidka aheyd iyadu Mujaahidiintii dalka xoreeyay in lagu diidan yahey oo kaliya Xisbiga Wadani ayay inantaasi gashey oo ay kamid tahey,Xisbiga Wadani bay kamid tahey Sahra Halgan madaxdisa sare ayay kamid tahey Sharcigaa u ogol qawaaniinta dalka utaala u ogol in ay Munaasibad qabato oo ay xus sameyneyso sharci u diidayaa oo meel ku qoranina majiro dalkana sharcibaa lagu maamulaa”Ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Wadani.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa Gabagabadii waxa uu si adag u cambaareeyay guudahaanba Habdhaqanka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo isagoo, uga digay in ay dalka fowdo ku abuuraan marka loo eego habdhaqankooda.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho hadhwanaag