Magaca Sahra Halgan Cidlo Kamaan Helin Ee Qorri Caaradii Ayaan Kala Soo Baxay, Ninka Warqada Ii Soo Qorayna Halkuu Joogay Wakhtigii…..Sahra Halgan

Magaca Sahra Halgan Cidlo Kamaan Helin Ee Qorri Caaradii Ayaan Kala Soo Baxay, Ninka Warqada Ii Soo Qorayna Halkuu Joogay Wakhtigii…..Sahra Halgan

sahar

Hargaysa(Salaanmedia.com)Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) Oo Caawa shirjaraa’id ku qabtay Huteelka Hido dhawr ayaa waxa ay sheegtay in wasaarada arrimaha gudaha somaliland u keentay Waraaq ay ku amrayso inaanay Qaban Karin Xuska Lagu xusayo Shuhaadadii SNM

Waxa ay sheegtay Cabudhintay Ay wasaarada arrimaha gudaha somaliland Saartay in ay tahay Tii ay Ka dagaalameen Ururkii SNM,Waxaana ay Cadaysay in ay Aroorta Qaban Doonto Xuska SNM. Sahra Axmed Maxamuud (Sahra Halgan) Oo ah Mujaahidad In Badan Ciidankii Xaqu Dirirka ahaa ee SNM La garab taagnayd Heeso Guubaabo ayaa sheegtay in Xusayso Geesiyaasii Dhaliyay Nabada ay somaliland ku naloonayso waxaana ay tidhi” “Waxaan Nasiib
u helay 30 Sano ka dib inaan Meel aan leeyahay ku xuso Shuhaadadii SNM Ee Dalkan Somaliland Naftooda u huray,imika waxa laysoo gaadhsiiyay warqad Laygu ogaysiinayo inaanan Ku qaban Karin Xaruntayda Hido Dhawr Xaflada ka turjumaysa inaan xuso Shuhaadadii SNM,Magacan Sahra Halgan waxaan Kala soo baxay Qori afkii Dhayalna Layguma Bixin,Markaas waajibka isaarani waxa weeyaan Aniguna inaan xuso Ragii Naftooda usoo Huray Somaliland. Sahra Axmed Maxamuud Sahra Halgan oo hadalkeeda siiwadata Ayaa intaas waxa ay ku dartay” ”Waraaqda la ii keenay waxa laygu yidhi waxa ay kaaga timid wasaarada arrimaha gudaha somaliland,albaabkaygu Mucaarad iyo Muxaafidba waa u furan yahay,Anigu waxaan leeyahay Cidna igama Hor istaagi Karto inaan Xaflada u qabto Mujaahidiintii Naftooda usoo huray Somaliland,Waxaanu ka dagaalamayna waxa uu ahaa Kaligii Talis-nimo iyo Cabudhin taasna aqbali mayno,Bari Sagaalka Subaxnimana waxaan ku xusayaa Xarunta Hido dhawr Mujaahidiintii Naftooda usoo huray dalka,waana bilaa Kaadh. Dhinaca kale waraaqda loo keenay ayaa waxa lagu sheegay inaan xarunta Hido dhawr lagu qabani Kari wax ku saabsan Xuskii SNM,isla markaas ay Qaban karta uun Ururka Mujaahidiinta Ee Sooyaal,waxaana ay Arinkaas Sahra halkan ku tilmaamay Cabudhin loogu Cago Juglayn Waxaana uu yidhi” “Waxaan kuu sheegayaa inaad qaban Karin Xuska SNM,waxaana xaq u leh ururka Sooyaal,Sidaas dartee waxaan ku ogaysiinayaa inaan xuteelkaaga lagu qaban Karin wax xaflad ah oo ku saabsan Xuskaas,Waxaana Warqadaas ku saxeexan Wasiir Ku xigeenka Amniga ee wasaarada arimaha gudaha somaliland. “Aniga oo dumar ah ayaa gacantayda ku aasay Rag Dhintay,Mid dhiig baxaya ayaa Macas intaan u jeex-jeexay ku xidhay,Halkee ayuu joogay Ninkan Amarka Dusha igaga keenay,Maanta hadaan Fursad u helay inana xuso Ma in lay Takoora mise waa in laygu hambalyeeyaa,waan ka xumay