Masuulka Koowaad Ee Qaranku Markan Noqon Maayo Madaxwayne Hadlay Oo Dadkiisa Been U Sheegay”

Masuulka Koowaad Ee Qaranku Markan Noqon Maayo Madaxwayne Hadlay Oo Dadkiisa Been U Sheegay”

Cali guray

Hargeysa, 12 Oct 2014 (salaanmedia.com)-Guddoomiyaha Saddexaad Ee xisbiga Mucaaridka ah Ee UCID Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa soo dhawaayay baaqii ka soo baxay Madaxweynaha ee la xidhiidhay inay doorashadu xiligeeda qabsoomi doonto,isla markaan wuxuu sheegay in isaga (Madaxweynaha), ay la shaqeeyaan dad aan karaamadiisa Tudhay.
Mujaahid Cali Guray wuxuu sidan ku baahiyay boggiisa uu ku leeyahay barta Face-booka “Hadii ay isaga taladu ka go’do waa sax, ee ma laga yaabaa talo ay inta ku xeeran ee wax ay xeeriyaan iyo wax ay ka xishoodan jirin soo goysay isagoo hadana ay ka saxeexeen oo daafacaya la arko. Shalay isagoo saxeexay qaybna ka ahaa heshiiskii labada diiwaangelinood ayay hadana toodii mariyeen oo wixii ka dhacay la ogaaye” ayuu yidhi Cali Guray Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata waxa uu dhaliilay dadka madaxweynaha ka agdhaw “Inta ku xeerani dan iyo muraad kama laha isaga iyo karaamadiisa shakhsi iyo xilka saaran midna ee kolba tii ay is yidhaahdaan way idiinku badinaysaa ayay ku socdaan, isagana kama xishoodaane shirqooladooda iyo dabinadooda iyo dhuumashadooda dhabarku muuqdo ayay isaga hoosta kala galaan. Inshallah masuulka koobaad ee qaranku markan noqon maayo Madaxwayne hadlay oo dadkiisa been u sheegay sida ay la jecelyihiin inta isaga ku xeerani”