Maxaa Ka Jira In Wasiir Xirsi Iyo Amina Waris Ay Ku Dhegeen Dr Maxamed Cismaan Fadal?

Maxaa Ka Jira In Wasiir Xirsi Iyo Amina Waris Ay Ku Dhegeen Dr Maxamed Cismaan Fadal?

FADAL

Hargaysa(Salaanmedia.com) Xisbiga mucaaradka ah Ee WADDANI ayaa Dr:Maxamed Cismaan Fadal u xushay in uu u metelo Xisbiga xubinta cusub ee komishan doorashooyinka qaranka somaliland balse nasiib daro laba jeer ayaa dib loogu soo celiya xisbiga isla markaana laga del baday in ay soo bedeshaan .
Dr Fadal ayaa buuxiyay dhammaan shuruudihii kamid noqoshada komishan cusub .
taas oo aan ilaa hada si cad loo ogayn madaama oo uu buxiyay shuruudihii waxa ay madaxtooyada u cuskatay dib u celintiisa .
Sida ay illo xog-ogaal ahi sheegeen kulan gaar ah Oo ay isugu yimadeen Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliso Marwo Amina Waris iyo wasiir xirsi ayaa lagu gorfeeyay in Dr:Fadala lagu daro iyo in kale kaas oo ka dhex abuuray saddexdooda dood adag. taas oo uu Madaxweyne siilaanyo ku adkaysatay in uu Dr Fadal fasaxo oo uu ku daro komishnka doorashooyinka qaranka balse ay arinkaas ay ka biyo diideen xirsi iyo amina waris .iyagoo Madaxweyne siilaanyo khaanado badan wax katusay isla markaan u ishaaray khatarta uu ku keeni karo hadii uu Dr:Fadala Ka mid noqdo komishna doorashooyinka qaranka mustaqbalka soo socda .
kulan kan oo ka dhacay 2 bishan Qasriga madaxtooyada somaliland ayaa waxa ay Madaxweyne Siilaanyo aakhirkii ku khasbeen Amina Waris iyo Wasiir xirsi in Dr Fadal aanu ka mid noqonin komishanka doorashooyinka qaranka .isla markaan uu mar labaad dib ugu celiyo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI arinkaas oo la sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo si cago jiid ah ku aqbalay .
Dhanka kalena waxa ay madaxweyne Siilaanyo ka dalbadeen in uu lixda xubnood ee kale si deg deg ah ugu gudbiyo golaha wakiilada somaliland si ay u ansixiyaan.