Maxaad Ka Taqaaana Abwaan Jaylaani Sooyaalkiisa Taariikheed?

Maxaad Ka Taqaaana Abwaan Jaylaani Sooyaalkiisa Taariikheed?

Abwaan-Cabdirisaaq-Xaamud-Jaylaani

Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani), waxa uu ku dhashay Magaalada Hargaysa badhtamihii Sideetamaadkii. Hooyadii waxa la yidhaahdaa Canab Aw Diiriye, waxaanay ka midahayd hablihii ugu cad caddaa Fanka soomaalida, aabihiina waa Xaamud Caydiid waa baytariyeyste.
Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid waxa lagu naanaysaa (Jaylaani), waxa uu sameeyey Heesotiro badan oo dhammaantood Caashaq ah, kuwaasoo iskaga gudbay Baddaha Caashaqa iyo dhulka Soomaalidu degto oo dhan.
Cabdirisaaq Jaylaani waa halabuur da’ayar, haddana suugaantiisu waa Bad-wayntaa, waxaana loo qaadan karaa dhinacyada Hawaale-warranka, Hogetuska, Hilaadinta, waana Heesaa ku laaxaysta Fanka Casriga ah.
Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid heesihiisa caan-baxay waxa ka mida Nolasha cusub soo dhawee waxa ku leeqeeya Fanaanka codka baxsan Illaahay siiyey ee Maxamed BK. Heestan Nolosha cusub soo dhawee waxa ay noqotay Heesta ugu horaysa Suugaanta wakhtigan, waxaanu Miisaankeedu cirka isku shareeray, kadib markii ay Faaqideen Halabuuro badan oo Soomaaliyeed, Saxaafiyiin iyo Suugaan dhaadhi ahi faaqideen,kuwaasoo uu midiba meel kaga dhuftay qaab dhismeedkeeda.
Kaaba waxa ku leeqeeya Fanaanka codka baxsan Illaahay siiyey ee Maxamed BK. Wallow Waxa ku luuqaynaya Fanaanka Codka halaasiga leh ee Nimcaan Hilaac. Abwaan Cabdirisaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani), waa Balaaqi aftahan ah oo sheekooyinkiisa aanad ka Xiiso dhacayn.
Heesaha kale ee ee Cabdirisaaq Xaamud Sameeyey waxa ka mida Heesta KA SOO KABO DIB U DHICII, waxaana Heestan codkeeda dahabiga ah ku qaadaysa Fannaanka Maxamed Siciid BK.
Abwaan Cabdirisaaq Heesaha uu sameeyey waxa ka mid ah
1. Nolosha Cusub
2. Walow
3. Xanaano
4. Ka Soo Kabo Dib-u-dhici
5. Naafada Caashaqa
6. Wabi Jacayl
7. Boholyoow
8. Kaaba
9. Hab ku soo Dhe
10. Rasmi
11. Kurbo
12. Kuma baran nitaaqo
13. Oori labaad