MAXKAMADA CIIDANKA QALABKA SIDA OO XUKUNO KALA GADISAN KU FULISAY ASKARTII FUDUDAYSAY DILKA SARAAKIISHA QORILUGUD.

MAXKAMADA CIIDANKA QALABKA SIDA OO XUKUNO KALA GADISAN KU FULISAY ASKARTII FUDUDAYSAY DILKA SARAAKIISHA QORILUGUD.

Gashaanle

Hargaysa(salaanmedia.com)Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Darajada 1-Aad Ee Galbeedka ayaa Maanta Xukunno Xadhig iyo Dil iskugu Jira ku riday Eedaysanayaal lagu edeeyey Dilkii Saraakiisha Xerada Qorilugud oo Gacan siiyay Gacan ku dhiig lihii Dilka Fuliyay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmarke, ayaa maanta ku dhawaaqay Xukunka ka dib markii todobaadkan ay socotay dacwadoodu.
Gudoomiyaha oo ku dhawaaqaya Xukunnadda ayaa yidhi:-
1. Gacan ku dhiigle Faarax Maxamed Ismaaciil waxay Maxakamaddu ku xukuntay Dil
2. Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.
3. Dable Cabdi Cawal Maxamed
oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa sideed sano oo xadhig Milatari ah
4. Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah
5. Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus ahaa ka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah Hase yeeshee waxa ay Maxkamadda Ciidanku xorriyadiisa u celisay Dable Khadar Axmed cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey, halka Gacan ku dhiiglaha oo maqan ay kaga xukuntay Dil.
Askartan lagu xukumay Xukunada Dhaadheer ayaa maxkamadu sheegtay in Ay U Hawl fududeyeen Gacan ku dhiiglaha Saraakiisha Ciidanka Laayay