Muxuu Wasiir Xirsi ka Yidhi Lacag Ka Badan Laba Boqol Oo Kun Oo Doolar Oo La Sheegay Inuu U Diray Nin Uk Degan?

Muxuu Wasiir Xirsi ka Yidhi Lacag Ka Badan Laba Boqol Oo Kun Oo Doolar Oo La Sheegay Inuu U Diray Nin Uk Degan?

XIRSII

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa beeniyay jiritaanka war ay baahisay shabakada wararka internetka ee hadhwanaagnews, kaasoo sheegayay in wasiirku uu lacag kumanaan doolar ah u diray nin degan dalka ingiriiska oo xidhiidh iyo arrimo kaleba ka dhexeeyaan.
Shabakada hadhwanaagnews warkaa ay faafisay wuxuu sheegay, in Wasiir Xirsi uu u diray nin lagu magacaabo jaamac Abokor oo ku magac dheer Jaamac Dheere lacag gaadhaysa boqol iyo sideetan kun oo lacagta Ingiriiska ah una dhiganta in ka badan laba boqol oo kun oo doolarka maraykanka. Shabakadu warkaa ay faafisay wuxuu intaa ku daray, in sababta uu lacagtaa ugu diray ay tahay ninkaas oo meherad uu UK ku lahaa ay kacday, sidaana uu ugu gurmaday isagoo ka abaal celinaya sida warkaa lagu sheegay waxyaabo uu hore Jaamac Dheere ula qabtay wasiirka. Shabakadu siday faafisay waxay warkaa ka soo xigatay illo xog ogaal ah, isla markaana waxay soo dhigeen sawirka ninkaa ay sheegtay shabakadu in wasiirku hantida qaranka ugu gurmaday, sawirka meheradiisa, magacii hore loo odhan jiray oo ay ku sheegeen NAFAQO, magaca cusub ee maalgelintaa ay sheegeen kadib loo bixiyay oo ah ORANGE RESTUARENT iyo cinwaanka halka ay London kaga taalo.
Dhinaca kale wargeyska Ogaal wuxuu xidhiidh la sameeyay wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali xaaji Xasan si uu dhiniciisa uga jawaabo eedahaa musuqmaasuq ee loo aanaynayo, su’aal uu arrintaa wargeysku ka waydiiyayna wuxuu ka bixiyay jawaabtan, “ Ma jirto lacag aan u diray ninkaa aad sheegtay, waxna lama lihi, wax xidhiidh ahina nagama dhexeeyo. Waa aflagaado iyo been abuur”.