Nooc cusub oo dil ah oo cabsi geliyay dadka oo ka bilaabmay Muqdisho

Nooc cusub oo dil ah oo cabsi geliyay dadka oo ka bilaabmay Muqdisho

muqdisho331

Muqdisho, (salaanmedia.coml) Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ka dhaceen falal naxdin lehka bilowday falal naxdin leh oo werwer wayn ku abuuray waalidiinta, kuwaasoo qofka inta mindi la geliyo dhiiga laga nuugayo. Siday baahiyeen shabakadaha wararka internetka qaarkood waxa soo badanaya falalkaa, waxaana jira dad aan tiradoodu cadayn oo la sheegay in loo dilay qaabkaa, hase ahaatee wxay wararka qaarkood tibaaxeen in tiro gaadhaysa 10 ruux la khaarajiyay, kuwaasoo lagu dilay degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Wadajir, Dharkeenley iyo Shibis.
Wararka ayaa sheegaya in falkii ugu dambeeyay lagu gawracay gabadh da’deeda lagu qiyaasay 20-sano laguna dilay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Yaaqshiid, kaddibna markii maydkeeda laga helay meel ka baxsan suuqa Jamhuuriya.
“Aad iyo aad ayaan uga welwelsanahay falalkan dadka lagu gawracayo si dhiiga looga nuugo, waxaanu ka cabsi qabnaa inay Muqdisho ku sii baahdo” ayay tidhi gabadh degan xaafadda Jamhuuriya, waxayna intaasiku dartay in taasi dadka xaafadaa ay saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqooda.
Maadeey Xasan oo ka mid ah dadka degan xaafadda Jabuuti ee degmada Kaaraan ayaa u sheegay warbaahinta inuu isagu ka mid ahaa rag ka qayb qaatay badbaadinta wiil yar oo xaafadooda degan kaddib markii ay la carartay haweenay jilbaab xidhnayd indhahana soo duubatay.
Falalkaan lagu qalanayo dadka ku dhaqan xaafadaha Muqdisho ayaa ah markii ugu horeysay oo ay magaalada ka dhacaan, iyadoo kooxaha falalkaan geysanaya aan la garanaynin ujeedada ay ka leeyihiin, inkasta oo la ogaaday in qofka ay gacanta ku dhigaan ay dhiigga uun ka nuugaan kaddibna ay maydkiisa halkaa kaga tagaan.