Nuxurka Khudbad Gudoomiyaha Waddani Arimo Doora Kaga Hadlay Oo Uu Reer Boorama U Jeediyay

Nuxurka Khudbad Gudoomiyaha Waddani Arimo Doora Kaga Hadlay Oo Uu Reer Boorama U Jeediyay

15

Boorama, (salaanmedia.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti uu hogaaminayay ayaa lagu soo dhaweeyey Boorama, waxaanu halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan.
Khudbadda Mr Cabdiraxmaan Cirro arimo door ah kaga hadlay waxay u dhignayd sidan
“Waxaan mahadnaq aan la qiyaasi karin u soo jeedinayaa shacbiga reer AWDAL gaar ahaan magaalada BORAMA iyo Degmeda DILA sidii diiranayd ee niyadsamida ahayd ee ay noo dhaweeyeen iyaga oon u kala hadhin dhallinyaro, haween, iyo odayaal.
Soo dhaweyn
Anniga oo ku hadlaya magaca Xisibiga WADDANI , waxaan si diiran oo qalbi furnaan ah u soo dhaweeynayaa siyaasiyiinta miisaanka leh , haweenka iyo dhallinyarada ku soo biiray Xisibiga oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye ku xigeenkii Rays Md Qaloombi, Mayor ku xigeenkii Hore ee Borama, Syaasiyiin ka socday KULMIYE, UDUB iyo Dalsan, dhallinyarada Jaamacadaha AWDAL, SELEL iyo GABILEY. Dhamaantiin soo dhawaada.

CODSIGA ODAYADA DHAQANKA AWDAL
In kasta oo SOMALILAND yahay dal sabool ah oon dabooli karin baahiyaha asaasiga ee shacbigiisa oo dhan , waxaan xukuumadda u soo jedinaynaa inay tixgelin weyn, qadarin iyo mudnaan siiyaan arrimaha odyaashu u soo jeediyeen. Waan ka xunahay in odayadu HUNGO kaga
soo noqdaan xukuumadda Somaliland.
Baaqa ku socda Bulshada Caalamka
Xisbiga WADDANI waxa uu Bulshada Caalamka u soo jeedinaynaa inay xurmeeyaan go,aanka aayo ka tashigaa ( self determination) ee shacbiga reer Somaliland ku gaadheen aftidii ay ka qaadeen shacbigooda oo ah inay noqdaan qaran madax banaan.

Dhallinyarada iyo Haweenka
Xisbiga WADDANI wuxuu aaminsan yahay in dhallinyarada iyo haweenku yihiin laf dhabarka qaranka Somaliland taas darteedna barnaajika siyaasiga ah ee xisibiga dejinstiisa talo weyn bay ku yeelan doonaan.

Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada
Wxaad ka warqabtaan in
1. Madaxweynaha JSL golayaasha qaranka ka hor cadeeyey in doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada mar la wada qabanayo, isna aan maalin loo kordhin doonin.
2. Golaha Wakiilada JSL soo saaray Go,aan Gole oo ah in doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada mar la wada qabto watigooda.
3. Ay bilaabantay diiwaan gelinta muwaadiniinta
4. ay dhakhso u bilaabmi doonto diiwaangelinta codbixyeyaashu
5. Xubnaha Komishankii cusbaa oo la magacabay

Taas darteed ma muuqato sabab ayna u qabsoomi karin labada doorashoba,
Doorashooyinku waa inay waqtigooda qabsoomaan.
Haddii la carqaladeeyo in Somaliland ka qabsoonto doorasho xor oo xalaal ahi 2015, waxaa Somaliland hubaal soo gaadhi doona khasaare weyn. Tirada ku darsada oo Somaliyana waxa caalamku qorsheeynayaa in markii ugu horeysay laga qabto doorashooyin 2016.

Muddo Korhdin
Inuu jiro qorshe muddo kordhin ahi waxaa marag ka noqon kara
1. In mar keliya Xukuumadda Somaliland ka baxdo heshiiskii ay wada gaadheen xukuumadda, axsaabta qaranka, Komishanka ee haa in diiwaan gelinta madaniga ah iyo ta cidbixiyeyaashu is dhinac socdaan kalana madax banaanaadaan ( Dual Track).
2. In xukuumaddu is hortaagtay shaqadii uu Komishanku ka soo qaban lahaayeen Gobolada iyo Degmooyink saddexdii bilood ee dambeeyey.
3. Iyada oo diwaagelinta cusub ee codbixiyeyaasha lagu kordhiyey sawirka indhaha (BIOMETRIC SYSTEM), waxa komishanku xukuumadda u gudbiyey kaabis iyo wax ka bedel xeerka diiwaan gelinta Codbiyeyaasha Xeer 37/2007, kaas oo xukuumadu daaqadda ka tuurtay.
4. Iyada oo xukuumaddu culeys baladhan saartay Golaha Guurtida inaan la ansixin wax ka bedelka iyo kaabista xeerka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha , Golahana fasax la geliyo.
5. Iyada oo dib loo dhigay u soo gudbinta Golaha Wakiilada dhokumantiga xeerku waajibiyey ee xubnaha cusub ee komishanka doorashhooyinka cusub.
Arrimahaasi waxay marag cadka yihiin in xukuumaddu ka shaqeynayso muddo kordhin
Xisbiga WADDANI sinaba uma ogola Muddo Kordhin

Koomishanka doorashooyinka Qaranka:
Weli xukuumadu Golaha uma soo gudbin CV-yada, warqadda Caafimaad iyo dembi la,aanta, oo xeerku ka rabay xubnaha cusub.
Waxaa Goluhu diyaar u yahay inuu waajibkiisa ka guto arrintan marka qabyada ay xukkumaddu soo dhamys tirto.
Fariinta Awdal
Waxaan ka soo amaahday DILA. Nin xakiim ah oon saaka kula kulmay DILA, ayaa waxa uu yidhi haddii guri kugu abaaroobo Reerka waa laga raraa. Wuxuu ku daray KULMIYE wuu inagu abaaroobay, taas darteed , reerka waxaan u raraynaa WADDANI.
AWDAL abaarta ha laga raro, KULMIYE ha laga raro, WADDANI ha loo raro.

Gunaanad
Somaliland waa dalkeenii. Waan wada leenahay. Taladiisa waan wada leenahay. Khayraadkiisa waan wada leenahay.
Madaxweyne Dahir Riyale markuu xukunka ku wareejinayey Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi dal iyo dad mideysan baan kugu warejiyey.
WADDANI waxa uu ballan qaadayaa DAL MID AH IYO SHACBI MID AH